Muxuu Komishanka Doorashooyinku u sheegay Ururrada Siyaasada oo Kulan Dhexmaray?

    0

    Hargeysa (SLpost)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland ayaa maanta kulan la qaatay masuuliyiinta ururrada siyaasadda qaarkood.

    Kulanka oo ay warbaahintu dibad-joog ka ahayd, waxa markii dhammaaday arrimaha lagaga hadlay faahfaahiyey qaar ka mida masuuliyiinta ururada siyaasadda.

    Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Mideeye Cismaan Badmaax oo ku hadlay afka xubnaha ururrada siyaasadda, ayaa sheegay in kulanka lagag wada-hadlay arrimaha diiwaangelinta, waxaanay shacabka Somaliland u soo jeediyeen in ay ka qayb qaataan hawlaha diiwaan-gelinta cod bixiyeyaasha, taas oo hawsheedu marayso meel gabo-gabo ah.

    Komishanka doorashooyinka ayaa hore kulan ku saaabsan arrimaha diiwaan-gelinta codbixyeyaasha hore ula qaatay saddexda ee Kulmiye, UCID iyo Waddani.