Ekeeyayaasha Farshaxannimada leh ee ku Jira Heesta (HA U NOQON COD BAAHIYE)

    0

    Hal-abuurnimadu waa hanaan ku dhisan farshaxannimo uu Abwaanku ku ibo-furo, oo ku weelleeyo inay is waafaqaan hummaag-yada sawirraada dhacdooyinka kala duwan leh iyo inuu suureeyo marxaalladda markaa taagan ee bulshada ku xeeran, amase ay tabayso.

    Heestan (CADOW AANAD GARANAYN HA U NOQON COD BAAHIYE,) ee aynu ka faalloonayno fallaanqaynteeda-na leh, waxa curiyay Abwaan Cabdillaahi Saleebaan Maxamed (Cabdillaahi Saleebaan Bidde) oo ay Walaalo yihiin Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo ku suntan foollaadka suuggnta, waxaanna laxanka leh Abwaan, Xildhibaan Xasan Dhuxul Laabsaalax , halka cododkoodana ay ku tabinayaan Mahamed Ahmed Bakal , Mursal Muuse Cumar, Hodan Cabdiraxmaan Cismaan Maxabe (Hodan Cabdiraxmaan Dheere), Saban Saban iyo Ismaaciil Mahamed Ismaaciil (Dulcad) oo ka mid ah kooxdda Xiddigaha Geeska.

    Abwaan Cabdillaahi Saleebaan Bidde, sida uu ereyadan iskugu xidh-xidhay waa mid ka gun dheer inta innoo muuqata, hibo Rabbi ceeb ka nasahane ku galaday ayaa u sahashay in uu sidan u cabbirro oo bulshada baraarujin uga dhigo in maankoodda lala yeelan oo, garashaddoodu-na noqon mid uu daaqo garaad laa’we Agoon ka ah garaadka iyo arragtida markaas la rabo in lagu tanaado ee horseedka u ah taabbo-galka iyo hir-galka himillooyinkooda Ummmaddnnimo.

    Waligaa Cannaantiyo
    Iskadaa Colaado
    Cuyuub waxaad u argtana
    Adigoo ka caban kara
    Ha ka dhigin cir soo dumay
    Isku soo cel-celiyoo
    Ha saluugin calafkiyo
    Wuxuu Caadil keeno
    Cidda Maalka haysiyo
    Yaanu cuudku ku talin
    Nin calaamad baas lihi
    Yaanu ciidan ka dhigan
    Carrab dalable yeelki
    Meel aan cidi kasoo noqon
    Cadho yaanay kula tagin
    H unoqon cod baahiye
    Cadaw aanad garanayn.

    AHUN. Qaamuuskii iyo Macalinkii Suugaanta Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), waa kii murti ku yidhi, “Qalinkaa wax suureeya kugu sima halkaad doonto Saaxiib kal furan weeye Sunto fara ku hayntiisa weligaa ha sii deynin.”. Hase-yeeshee Abwaan Cabdillaahi Saleebaan Bidde waxay murtidiisan inoo tilmamaaysaa in bini’adamka ceebihiisa aan la faafin, waayo ILAAHAY SWT wuxuu inoo sheegay in dadka ceebahooda aan la sheegin si ceebtaadu u asturnaato.

    Rabbibaa laga cabsooda
    Adigoon caga juglaynayn
    Iyo culays isa saarayn
    Habrashadda ku cararayn
    Marna laguma ciil baxo
    Suggaan la curiyo
    Qalin lagu cad goosto
    Lagu faafsho ceebaha.

    Ekeeyayaashan soo jiidashada leh ee uu Abwaanku adeegsaday, mid na mid kama laalaado, waxaanu hooga-tusaallayn uga dhigay in bulshadu caqli ahaan noqoto mid ka korta inay dhagaysto baaq-yadda duul kala qaybinaya.

    Caqligaagu yaanu noqon
    Caydi aan korayn
    Cilmi kaaba loo heli
    Oo garasho celin karayn
    Carrab dalable yeelkiye
    Meel aan cidi kasoo noqon
    Cadho yaanay kula tagin
    Ha u noqon cod baahiye
    Cadaw aanad garanayn.

    W/Q. Khaali Xabsi.