Somaliland oo Xabsiga dhigtay Shaqaalaha BBC Media Action ee Hargeysa

    0

    Hargeysa (SLpost)- Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa maanta Xabsiga u taxaabay Shan Xubnood oo ka tirsanaa Xafiiska BBC Media Action ee magaalada Hargeysa.

    Hawl-wadeennada BBC Media Action ee maanta la xidhay oo tiradoodu tahay Shan qof oo ka hawl-galayey xafiiska, ayaa magacyadoodu kala yihiin:-

    1. Maxamed Gaas (Madaxa Xafiiska Somaliland)
    2. Cabdilaahi Jaamac (Wariye ka tirsan Bbc Media Action)
    3. Samater Gaaxnuug
    4. Axmed Faa’iz oo ah filim-qaade iyo editor.
    5. Yaxye oo ka tirsan Xafiiska Gadiidka.

    Xukuumadda Somaliland, ayaa dhawaan sheegtay inay hakisay Shaqada BBC-da ee dalka Somaliland, waxaanu toddobaadkii hore Wasiirka Warfaafinta Somaliland u jeediyey BBC eedeymo uu ku tilmaamay inay ka dhan yihiin Qarannimada Somaliland.

    Somalilandpost.net

    contact@somalilandpost.net