War-Moog (Hees) – by Baadi-doon

    0

    Bishu Inay Bishii Tahay
    Bulshadanina Tii Tahay
    Boos Cadaagu Kii Yahay
    Baytal Mayga Ugu Riday
    Hore Madax Banaanida
    Bajaajkuna Kuwii Yiin
    Shirkan Yurub Ku Baaqdiyo
    Balankanina Kii Yahay
    Xornimada Bilaa Sharad
    Diiqo Ugu Bixiseen
    Badhbaa Shicibka Qeydhin
    La Baxnaaninaayee
    Madaxdii Bisayl Tahay
    Ma Ogtahay Baraad Laay

    Mise Bayd Go Aagaad
    Badhbadhaadhnay Leedahay
    Waxaad Baafinaysaa
    Baashuu Aano U Ahaa‎
    Looma Baadidoonine
    Ma Kuwii Bilaa Sabab
    Birta Kaala Daalee
    Ku Baabiiyay Shalaytaad
    Boqonkaa Inuu Go Ay
    Maantana Baryayasaa
    Booleeya Mooyee
    Walee Turub Ma Barataan
    Bacaleel Had Iyo Jeer
    Talo Lala Bariiqdiyo
    Ma Kuu Baylah Uunbaa
    Goormaad Baraarugi
    Ma Col Soo Balaadhoo
    Idin Beegsanayaad
    Iska Baaadhiyaysaan
    Bi Waa War Moogeey
    C.C.C .”Baadi-Doon”