Madaxweynaha Somaliland oo Isku-shaandheyntii u ballaadhnayd ku sameeyey golihiisa Xukuumadda

    0

    Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Mid Muuse Biixi Cabdi, ayaa isku-shaandheyntii ugu ballaadhneyd ku sameeyey golihiisa Xukuumadda, waxaanu xilalka ka qaaday wasiirro, wasiir ku-xigeen iyo madaxda qaar ka mid ah laamaha hay’adaha xukuumadda.

    Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

    Md Muuse Biixi waxa uu xilalka ka qaaday Wasiirkii wasaaradda Horumarinta Biyaha Maxamed Muuse Diiriye, Wasiirkii Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta  Jaamac Maxamuud Cigaal, Wasiirkii wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Yuusuf Mire Maxamed (Boos), Wasiirkii Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Beeraha Axmed Muumin Seed Habane, Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Warfaafinta Cabdinaasir Cumar Jaamac, Wasiir ku-xigeenkii Wasaaradda Qorsheynta Cabdiqaadir Cumar Jaamac, Safiirkii dalka Ethiopia Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle, Guddoomiyihii Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Farxaan Aadan Haybe, Guddoomiyihii Baanka Dhexe Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi.

    Wareegtada madaxweynaha oo soo baxday duhurnimadii maanta, waxa uu magacaabis iyo isku beddel ku sameeyey 25 masuul oo isugu jira buuxinta boosaska masuuliyiinta xilalka laga qaaday, qaar laysku beddelay iyo jagooyin hore uga bannaana xukuumadda oo la buuxiyey.

    Xubnaha madaxweynaha Somaliland xilalka u magacaabay, waa ka mid ah

    1. Dr Ciise Kayd Maxamuud Raagsaale waxa uu loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
    2. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi oo ahaa wasiirkii wasaaradda Qorsheynta, waxa uu madaxweynuhu u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka
    3. Maxamed Xaaji Cismaan Jaamac, waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha
    4. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Ataash, waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.
    5. Cali Xasan Maxamed Jaamac waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha
    6. Cabdillaahi Faarax Cabdi Muuse waxa laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta
    7. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani waxa laga dhigay Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
    8. Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi oo ahaa Wasiirkii Hawlaha Guud waxa loo beddelay Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
    9. Cumar Cali Cabdillaahi Bade oo ahaa Wasiirkii horumarinta Caafimaadka waxa loo beddelay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
    10. Cabdillaahi Abokor Cismaan Aw Yuusuf, wasiirkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Jidadka iyo Gaadiidka, waxa loo beddelay Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka & Guriyeynta
    11. Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare Cismaan waxa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga iyo Wershadaha
    12. Baashe Cawil Cumar Cabdi, Safiirkii Somaliland ee Kenya, waxa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
    13. Liibaan Yuusuf Cismaan Xuseen, wasiir ku-xigeenkii hore ee Arrimaha Dibadda, waxa loo beddelay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka
    14. Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle, waxa loo magaaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda
    15. Cabdiraxmaan Cali Cabdi Cali, waxa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka
    16. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf waxa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska
    17. Cabdillaahi Xuseen Maxamed Cilmi waxa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Amniga
    18. Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax waxa loo magaacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Arrimaha Gobollada iyo Dawladaha Hoose
    19. Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed waxa laga dhigay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caddaaladda
    20. Siciid Axmed Jibriil Bahal waxa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha
    21. Cabdixakiim Siciid Muuse Cabdi waxa loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
    22. Axmed Xasan Nuur (Axmed Taajir) waxa isna loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
    23. Maxamed Axmed Maxamuud Cawad waxa loo magacaabay Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya
    24. Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi, waxa loo magacaabay Guddoomiyaha Baanka Dhexe
    25. Khaalid Jaamac Axmed Ducaale, waxa loo magacaabay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda