Liiska Rasmiga ah ee Murashaxiinta Doorashada Goleyaasha Deegaanka Somaliland

    0

    Hargeysa (SLpost)- Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland, ayaa soo saaray Liiska kama dambaysta ee Murashaxiinta Golayaasha Deegaanka uga tatamaya Saddexda Xisbi Qaran Doorashada Isku-sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka oo loo muddeeyey inay dalka ka qabsoonto 31-ka Bisha May 2021-ka.

    Doorashada Isku-sidkan ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada oo ka qabsoomaysa 20 ka mid ah 23-ka Degmo-doorasho ee dalku ka kooban yahay, kuwaas oo ay ku yaallaan 1,642 goob-doorasho, waxa lagu wadaa inay codadkooda ka dhiiban doonaan 1,297,838 codbixiye oo la diiwaangeliyey, sida ku xusan xogta ay baahiyeen Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

    Murashaxiinta Goleyaasha Deegaanka ee Liiskooda la shaaciyey maanta oo ka sharraxan saddexda Xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, ayaa u tartamaya Goleyaasha Deegaanka 20 Degmo oo ku yaalla lixda Gobol ee waaweyn ee Somaliland, kuwaas oo derajooyinkoodu kala yihiin A, B, C iyo D.

    Gobolka Maroodijeex ayaa ka kooban Afar Degmo oo loo tartami doono Goleyaashooda Deegaanka, kuwaas oo kala ah Hargeysa, Balligubadle, Gabiley iyo Sallaxley, Halka Gobolka Sool oo tiro taas la mid ah ka kooban loo tartami doono Goleyaasha Deegaanka magaalooyinka Laascaanood, Caynaba, Taleex iyo Xuddun.

    Gobolka Ugu baaxadda weyn ee Somaliland ee Sanaag, waxa loo tartamayaa Goleyaasha deegaanka magaalooyinka Ceerigaabo, Ceel-Afweyn iyo Gar-adag. Halka Gobolka Togdheer loo tartami doono Goleyaasha Deegaanka magaalooyinka Burco, Oodweyne iyo Buuhoodle.

    Magaalooyinka Boorama, Baki, Saylac iyo Lughaya oo nidaamka maamul ee Doorashooyinka ka tirsan Gobolka Awdal, waxa Goleyaashooda deegaanka ku tartamaya 126 Murashax oo ka sharraxan saddexda Xisbi ee Waddani, Kulmiye iyo UCID.

    Gobolka Saaxil, ayaa isaguna ka kooban laba degmo ee Berbera iyo Sheekh oo ay ku tartamayaan 66 Murashax oo saddexda Xisbi ka tirsan.

    Gobolka Maroodijeex

    Liiska Murashaxiinta Golaha Deegaanka HargeysaLiiska Murashaxiinta Golaha Deegaanka GabileyLiiska Murashaxiinta Golaha Deegaanka SallaxleyLiiska Murashaxiinta Golaha Deegaanka Balligubadle

     

    Gobolka Awdal

    Liiska Murashaxiinta Golaha Deegaanka BooramaLiiska Murashaxiinta Golaha Deegaanka BakiLiiska Murashaxiinta Golaha Deegaanka SaylacLiiska Murashaxiinta Golaha Deegaanka Lughaya

     

    GOBOLKA SOOL

    Liiska Murashaxiinta Golaha Deegaanka LaascaanoodLiiska Murashaxiinta Golaha Deegaanka TaleexLiiska Murashaxiinta Golaha Deegaanka XuddunLiiska Murashaxiinta Golaha Deegaanka Caynaba

     

    GOBOLKA SANAAG

    Liiska Murashaxiinta Golaha Deegaanka CeerigaaboLiiska Murashaxiinta Golaha Deegaanka Ceel-AfweynLiiska Murashaxiinta Golaha Deegaanka Garadag

     

    GOBOLKA TOGDHEER

    Liiska Murashaxiinta Golaha Deegaanka BurcoLiiska Murashaxiinta Golaha Deegaanka OodweyneLiiska Murashaxiinta Golaha Deegaanka Buuhoodle

     

    GOBOLKA SAAXIL

    Liiska Murashaxiinta Golaha Deegaanka BerberaLiiska Murashaxiinta Golaha Deegaanka Sheekh

     

     

    AKHRISO LIISKA MURASHAXIINTA GOLAHA WAKIILLADA SOMALILAND

     

    Somalilandpost.net

    contact@somalilandpost.net