Maxamuud Cabdi Shide: Danjire, Siyaasi, Daljire iyo Waddani Aan Dib Loo helayn

    0

     

    Marxuum Maxamuud Cabdi Shide

    Maxamuud Cabdi Shidde waxa ay u yaqaanaan dadka reer Somaliland badiba inuu ahaa aabbaha saxaafadda cusub ee Somaliland, dabcan wuu ahaa oo waa lagu majeeran doonaa taa inta madaxeen saan leeyahay. haddana waxa uu ahaa horseedihii aaladda internetka oo aan isaga la’aantii suurta gal noqoteen in ay Somaliland soo gaadho. Waxa kale oo uu ahaa mid danyarta jecel oo ka xorroobay aragtidda qabiilka oo ah sun ku mudan dadka Soomaalidda ah guud ahaan iyo gaar ahaan dadka reer Somaliland. Haddana waxa uu ahaa nin gacan furan oo aanay bakhaylnimaddu agtiisa oolin waxaana taa marag kac uga ah sida Xasan Xaaji Cabdillahi (Xasan Ganey) iyo Abwaan Gaariyeba oo labaduba uga marag kaceen. Intaas oo kaliya ma’aha ee waxa uu lahaa hibbooyin wax curineed oo dhif ku ah dadka Somaliland iyo Somaliyaba inay keenaan fikraddo wax curineed taasi oo adduunka kale millaayiin dollar lagu kala siisto hindise ama fikir qof lahaa lana maalo isagoo adduunka ka hoyday oo sannooyim badan ka sii mootanaa kuwaasna Saudi Arabia ayaa u uku daah furay oo Adduun badan kaga helay.

    Intaas kuma koobna hibbooyinkii Maxamuud Cabdi Shidde, waxaanay noqon karaan qaar tiraba kor u dhaafa tobanaan iyo tobanaan waxaase ugu mudan oo aan qormaddan kaga faallo kaga bixin doonnaa hibbaddii uu u lahaa fahamka siyaasadda waa tan uu nin waliba siyaasi noqday ee Hadraawi ku yidhi maansadiisii “Rag Siayaasi Wada Noqoy” Maxamuudse ma ahayn kuwaasi ee waxa uu ahaa siyaasi dhab ah oo ka keenay maxsuul la wada arkay oo midho dhalay. Haddii aad ka waydo qof siyaasiya (Legacy) ama Dhaxal uu ka tagay oo la sii maalo waa been sheeganaya Siyaasi ee ma’aha. Sidaa si la mid ah haddii aad ka waydo abwaan ama mu’alif suugaantiisa laga reebi waayo Halkudhegyo waa iska gole ka fuul oo ma’aha Abwaan ama mu’alif dhab ah.

    Maxamuud Cabdi Shidde waxa uu ahaa dadka ay dhif ku tahay in laga helo dadka reer Somaliland isagoo kale waxaanu lahaa astaamo badan oo aan qof kaliya kuwada kulmin, kuwaasi oo aan ka xusi karo kuwan hoos ku taxan iyagoo oo aan ahayn kuwo aan la jeclaysaty ee ay yihiin kuwo uu u dhashay:

    Deeqsinimadii Maxamuud Cabdi Shidde
    Ma sahlana in qof noqdo mid dadka ka liita ama aan hayntoodu badnayn inuu hoos u eeggo oo uu u damqaddo sifahaa waxaa lahaa Maxamuud Cabdi Shidde oo ay dad badani uga marag kaceen oo aan ka xusi karo saddex qof oo kale ah Abwaan Gaarriye Alle ha u naxariisto’e, kaasi oo ka sheekeeyay dhacdo dhex martay isaga iyo Maxamuud Cabdi Shidde goor ay ahayd Ciid oo uu abwaanku faro madhnaa kana fikirayay reerkiisa iyo ciidda oo barri oo kale ah, waad dareemi kartaa adigoo faro madhan ooridaaddii iyo carruurtaaddiina aanay hayn wax ay ku ciiddan waana uurku taallo qof kasta uu si fudud u dareemi karo, taasi oo habeenimadda ay barri oo kale ciid noqonayso uu si kedis ah uga soo hor baxay Maxamuud Cabdi Shidde abwaan Gaarriye uuna u dhiibay dhowr boqol oo Dollarka oo Maraykanka ah waanad dareemi kartaa inta uu farxay abwaan Gaariye habbeenkaa oo inuu duulo ku dhawaaday, aadna u muusooday, ugana mahadnaqay kana sheekeeyay dhacdaddaa waliba si aan qarsoodi ahayn.

    Xasan Ganey
    Waa Abwaan kale oo isna ay is muteen Maxamuud oo isna farax iyo rayn rayn kala dheelmaday goobihii ay Abwaanka iyo Maxamuud isku muteen waliba markan Xasan Xaaji Cabdillahi Xasan “Ganey” waxa uu ku tiriyay Maanso uu ku tilmaamayo qofka uu ahaa Maxamuud Cabdi Shidde.

    Waa tan maanso dheer oo abwaan Xasan Ganey ku muuneeyey Maxamuud Cabdi Shidde, maansada oo Garab-daar la yidhaa waxaa ay tidhi:

    Godka hanadkii lagu riday
    Gurmadkiisa aasiyo
    Gogoshii tacsiyadiyo
    Gabayada baroorta le’
    Rag intay ku dhilayeen
    Gurigayga kama bixin
    Manaan gabin halkaygee
    Waxaa Alle gaabshee
    Gadaal i ridaa jiray

    Geedigaasi waa kow
    Guurayoo haddana raray
    Garbo la hadhsanaayiyo
    Gabi baa dayaamo
    Waxa dhacay gu’wayniyo
    Geedkii habriiro
    Guumaysta taahdiyo
    Galowgiyo xiidkii
    Waxay giida la hayaan
    Hanad lagu goblamayoo
    Galbaday ogaaden

    Geedkaa ba’ geeraay
    Garabkii dugsoonaa
    Gabayo iyo wax lul badaniyo
    Gabadaraa ku socotee
    Goobtii qaboobaa
    markuu gudub jaleecaba
    Galiilya i qabatee
    geeridu xumaydaa
    Goblan talo aduunyooy
    markuu geesi hoydaba
    Garashaa u oydoo
    Sidii gabaygii cali yidhi
    Waxaan ahay geddiisee
    Intuu gaare gooni u lahaa
    Gocoshiyo xasuusba leh

    Gulufkii colaadihii
    Gobonimo u dirirkii
    Inagiyo gumaystaha
    Ragii guura bahalaha
    Gaadmiyo badheedhaba
    Ku guntaday dalkoodiyo
    Intii goolka dhalisiyo
    Gaashaan biruu ahaa
    Gocoshiyo xasuusba leh

    Wuxuu gaadh ka hayn jiray
    Danta guud xilkoodoo
    Waligii nin geesiya
    Gafuux uu ku raaciyo
    Uu gardaran yahay
    Guubaabinteed iyo
    Baaq iyo guhaadiyo
    In la geedi galiyoyo
    Hadba geesta dhowrta leh
    In uu godin u qaatiyo
    In uu gacan u gooyiyo
    Gocor iyo rifbaa jira
    Raadkiisa gurayoo
    Farta waxa ku godi jiray
    Inta gawska xeershe
    Goda raaca liitee
    Wuxuu galay Maxamed
    Wuxuu goday intii ogayd
    Gocoshiyo xusuusba leh

    Gabigeed aduunyada
    Waxa geedi lagu yahay
    Geeraarka libintiyo
    Gobartidu hadeer tahay
    Waa geeda saarka leh
    Garoomaha ciyaaraha
    Gudaha iyo dibada
    Tiinkii galaaskiyo
    Soo hooyay guulaha
    Gadhwadeen hogaaansho
    Lagu gam i’ jiruu ahaa

    Gooshoo macaashiyo
    Ganacsi u ma jeedine
    Geyiguu la rabay magac
    Gocoshiyo xusuus ba leh

    Goob la isku xaadhiyo
    Gole doodu adag tahay
    Xaajaduna gudubtooy
    Geed daaqsinkiiyo
    Tagtay buuro guudkood
    Go’na lagu cumaamaday
    Waxaan doqontu garanayn
    Fuluhuna ka gaabsaday
    Giir la iska kiciyo
    Isha la isku gabayiyo
    Inta gaarka wax u raba
    Goolaaftan koodii
    Ina shide Galgalashiyo
    Muu aqoonin galowdee
    Taladuu Galaankiyo
    Girgirkeeda hayn jiray
    Jeer uu gudoonsado
    Gurysamo in lagu wado
    Gocashiyo xusuusba leh

    Waxay guuyo xamataa
    gudhahana lacaaye
    Alla gacan furnaayee

    Marti fiid gab soo tidhi
    Subixiina kaa gudday
    Gaariyow ma buurne
    Intuu laba is guursaday
    Isku jecel gar iyo waaq
    Hayeeshe waqtigu gabay
    Gabashana ku kala nool
    Goldalooladoo diyo
    Goortuu xogtii helay
    Go’aan qaadashada dhow
    Isagoon garnaba dayin
    Nolosha u gardaarshee
    Maalmo gaaban dabadood
    Galbiyay ka yeedhee
    Gaafkooda lagu tumay
    Rugtiina gooni lagu qalay
    Gocoshiyo xusuus ba leh

    Intuu guri sabooloo
    Gadan karin anfaacadii
    Gurbood kuu la kariyiyo
    Hadba guuf ku tuuriyo
    Gasiin kooda siin jiray
    Garab daarna ku lahaa
    Galabba kuu ka madhan yahay
    Gocashiyo xasuusba leh.

    Taasina waa maansaddii Garabdaar oo aan ka soo garoocday gibin yar oo marag u ah qofkii uu Maxamuud Cabdi Shidde ahaa. Waa marag ma doon mar kale abwaan ka marag kacay.

    Siyaasi:
    Waa markan marka si balaadhan uu magaciisu u faafayaa waana hirdankii SNM iyo xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre, qarniggii tagay badhtamihii siddeetanaadkiisa, iyadoo xilligaa lagu hirdamayay gobaladdii Waqooyi ee hore (Somaliland) maanta iyo siddii loo soo dhicin lahaa gobanimaddii Somaliland ee ay lumiyeen 32 kii Xildhibaan ee Somaliland laga doortay marka laga reebo kii 33aad oo ahaa Michael Maryamo Cali oo ahaa Xildhibaankii ku taliyay inuu inala sii joogo xukunkii boqortooyadda Great Britain oo aynu ka barano qaabka dawladnimadda loo maamulo, ilayn ninankaa Taliyaani ka kacayo ee aynu doonayno inaynu bilaa shuruud gobanimaddeena farta ka saarnaa waxay haystaan 10 sanno oo is maamul hoose ah. Waana 10 kii sanno ee markii danbe inagu dileen ee ay inagaga adkaadeen, waana halka aan mar walba uga qiro Michael Maryamo Cali inuu ahaa Siyaasi aragti fog oo waliba ku darsaday sharci yaqaanimo (Lawyer). Taladiisii la diidayna waa la eeday, isaga iyo Garaad Cali oo isna talo taa la mid ah bixiyay oo aan dhag jalaq loo siin. Waxaase laga dheefay laga soo bilaabo 1960 kii ilaa 1991kii taasi oo ahayd 30 sanno oo halaag ah.

    Aan ku soo laabto Maxamuud iyo kaalinta uu ku lahaa halgankaa aan kor ku soo xusay waxa uu kaga qayb galay filim duubid uu jiidda hore ee dagaaladda ay foodda isku dareen SNM iyo xukuumaddii Siyaad Barre. Waxaanu noqday mid dhiiran oo soo duuba dagaaladdii faraha badnaa ee labadaa ciiddan ku dhex maray goobbo kala gadisan oo aan waxba la isku hanbayn si garab waliba guusha u hantiyo. Waxa caan noqotay in la yidhaa ma haysaa cajaladii dagaal hebel iyo dagaal hebel ee uu soo duubay Maxamuud Cabdi Shidde.
    Muqaaladaas oo aad waadax u ahaa sida loogana bogan karayay wixii dhacay. Goob goobahaas dagaalka ka mid ahna ay ku kulmeen si kedis ah Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamuud Cabdi Shidde, kaasi oo inta uu ka firka naxay Maxamuud oo aanu meesha ka filayn maadama oo uu ahaa nin ladan oo hantiile ah oo aanay u badnayn inuu iman doono goobbahan dagaalka. Halkaas oo wadahadalkii dhexmaray ay ka mid ahayd suaa’sha Muuse ee uu waydiiyay waxa uu halkan ka soo doonay Maxamuud Cabdi Shidde? Taasi oo Maxamuudna kaga falceliyay in uu soo dagaal tagay oo uu wax ka soo dhicin doono Gobaad oo hore ay u lumiyeen 32 Muddane wakiilo ee Somaliland 1dii July 1960, taasi oo Muusena uu kaga fal celiyay in uu u baahan yahay in qori la siiyo hase ahaatee Maxamuud Cabdi Shidde waxa uu si fudud ugu sheegay, inuu sito mid ka tiiro dheer kaa uu ka hadlayo. Hadalkiisaas oo markii danbe dhaboobay markii aqalka sare ee odayaasha (Senator House) ee Maraykanka lagu daawaday cajaladihii uu duubay Maxamuud Cabdi Shidde oo aasaas u noqoatay in mucaawimaddii lagaga joojiyo Siyaad Barre iyo xukuumadiisii ka dib markii xukuumaddii Ronald Reagan ay garowsatay falalkii uu Siyaad Barre kula kacay Shacabkii ku noolaa magaalooyinka Hargaysa, Burco, Berbera iyo guud ahaan goboladdii Waqooyi ee hore. Miyaanu haddaba Maxamuud Cabdi Shidde ka siyaasisanayn.

    Qormooyin danbena waxaan ku lafo guri doonaa Hal-abuurnimaddiisii ganacsi iyo kaalintii uu ku lahaa Somaliland hadii Eebe ogolaado.

    Qore: Cabdi Muhumed.
    Cabdimuhumed60@gmail.com