‘Guryaha la fadhiista guul-darrada…’ – W/Q: Abdisamad Aw Dahir

    0

    Ilaa maalintii lagu dhawaqay  kala miirida ururada waxaa sida maayadaha ugu soo dhacaayey dhagaha dadka,ururbaa mudaharaaday, bari baa lo balansanyahay

    Macna kalaa naloo riday iyo ku qanacsanaan la’aan go’aankii gudida

    Marse haday gudidii u marisay warbaahinta meelahay ku liiteen soo inay mooganaanta iska dhaafaan maaha

    Bal qabso dhawr kalmadood oo qaafiyadaysan kuna difaacaayo gudida, ururada hadhayna aan leeyahay guryaha ha lala fadhiisto guul daradu way jirtaayee

    Gudidii fulintee

    Faafreebka ururadu

    Haday soo faqeen dhaliilihii

    Soo kuwan fasilay

    Fadhfadha ururan

    Ku fail garoobay

    Foomkii loo diray

    Inay tahay filim hore

    Loo duubiyo

    Faaqidaada ciyaaraha

    Nooc laysla fahmaayoo

    Guushu kay ka fogaata

    Fawdo uu abuuro

    La iskama feegarin

    Qabiilna looma fiirinee

    Saaxiibkay dhagawayne

    Hadii uu filanaayey

    Figta sare inuu fuulo

    Fadkiyo daruuruhu soo kuwan

    Kusoo foorarsadeen maaha

    Fariin aan diree

    Very sorry mujaahid

    Farsamo kale maaahee

    Sharcigaa saa faray

    Xisbiyada filkaagana

    Faynalka keenee

    Fursahaa badanee

    Ama la falgal urur kale

    Ama ta inagu soo fooda leh

    Iyo foomka dambe buuxso

    Bal imikana nimanka ururada dhacay wata ee gobalada dawakhiyey aynu eegno

    Sandoon iyo guruubkiisiyo

    Gidi ururada hadhee kacay

    Iyo nuurkaa gurxamayee

    Garabsaday jamhuuriga

    Gar kuma joogaanee

    Gadoodkay ku baaqeen

    Nabaday ku gubayaan

    Liiskaa guduudanee

    Laydinka garan waayey

    Godkii aakhir maahoo

    Kamaydun galban aduunkee

    Idinkaa is gabee

    Guuxa yareeya

    Bal xaga wadaadan in yar aan ka idhaahdo

    Wadaadadaa foomiyaha

    Lasoo fuulay siyaadu

    Fasirka diinta

    Faas haday ku yihiin

    Face kalay leedahay taniyoo

    Farahaa layskula hadlaayee

    Hadii fagaaraha

    Face bookga laydinka waayey

    Sharcigaan ula foofaynaa

    Iyo fahamka khaladkaa dhaafoo

    Fardowsa camalkeedii iyo

    Hawleheenii fiicnaa iyo

    Ufeegignaada aakhiro

    Imikana aynu eegno marwa foosiya oo tidi haweenkaa meel lagaga dhacay

    Markii ay soo bixi wayday

    Waa laga fiirsadaayee

    Hadaad timi fagaaraha

    Firfircoonibaa foosiya

    Faynalka lagu gaadhaayee

    Haddii xafiisyadaad furtay

    Five person laga waayey

    Guul darada inaad filataa

    Soo maaha

    Fanashadii buurta

    Hadaad la fahmi wayday

    Fashilaada dhacday

    Dumarbaa la faquuqay

    Ma inaad kula firaysaabaa

    Qore: Abdisamad Aw Dahir Ismail(Sumcad)