Madaxweynaha Somaliland oo Masuuliyiin Dumar u badan u magacaabay Wakiillada dalal kala duwan oo Dunida ah

    0

    [H]argeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa magacaabay Wakiillada Somaliland u fadhiyi doona dalalka Norway, Sweden, Canada, Kenya, Ingiriiska, Faransiiska iyo Wakiilka Wareega ee Somaliland.

    War-Saxaafadeed caawa ka soo baxay qasriga Madaxtooyada oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa lagu faahfaahiyey Wareegtada magacaabista Madaxweynaha iyo magacyada Xubnaha uu jagooyinkaa u magacaabay. Waxaanu qoraalka warkaasi u dhignaa sidan:

    “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xeer madaxweyne oo numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1077/052012 ku magacaabay wakiilada Somaliland u fadhiyi doona INGIRIISKA (UK), Canada, Norway, France, Sweden, Kenya iyo Danjiraha Wareega ee Somaliland.

    MADAXWEYNUHU :-

    Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, ee xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

    Markuu Tixgeliyey:               Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

    Markuu Arkay:                  In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wakiilada Somaliland u fadhiya dalalka INGIRIISKA (UK), CANADA, NORWAY, FRANCE, SWEDEN, KENYA IYO iyo In baahi loo qabo buuxinta jagada Wakiilka Wareega ee Somaliland (Ambassador At Large);

    Markuu Ka Fiirsaday:                Kartidooda, aqoontood iyo hufnaantooda shaqo;

    Markuu ku qancay:                   In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

    Wuxuu go’aansaday

    1.  In Mudane, Cali Aadan Cawaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska (United Kingdom).

    2.  In Marwo, Luula A. J. Ismaan, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Canada.

    3.   In Mudane, Sulub Warsame Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Norway.

    4.  In Mudane, Cali Ismaaciil Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka France.

    5.   In Marwo, Rooda Jaamac Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Sweden.

    6.  In Mudane, Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Kenya.

    7.  In Mudane, Kaysar Cabdilaahi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Wareega ee Somaliland (Ambassador At Large).”

    SOMALILANDPOST.NET

    webmaster@somalilandpost.net