Abwaan Axmed Cismaan Batuun oo Maanso Baroor-diiq ah u tiriyey Marxuum Mujaahid Xasan Guure

    0

     

    Abwaan Axmed Cismaan Batuun oo ka mid ah hal-abuurada Dhalinyarada ah ee Somaliland, ayaa maanso Baroor-diiq ah oo uu dareenkiisa ku cabbirayo ka tiriyey Geerida Allah ha naxariistee Marxuum Mujaahid Xasan Guure Jaamac oo maanta lagu aasahay magaalada Hargeysa.

    Maansada Baroor-diiqda ah, waxa uu Abwaanku ku bilaabay sidan:-

     

    Hoheey gabalkii dhaciyo
    Ileen goor iyo ayaan
    Qofbaa galbanaaya oo
    Ka guura aduunaydee
    Warkuu Cabdilaah Ganey
    iisoo gudbiyeen ka naxay
    Ma geesi halyay ahoo
    Geyiga soomaaliland
    Abaal badan geliyay oo
    Maatida u gargaari jiray
    Ayay geeridu dishoo
    Waxaa go’ay geesigii
    Ka galay taariikhda baal
    Halyeygii miyuu galbaday
    Dadkoo dhami garanayeen
    Ma tagey Xasan Guure oo
    Gobtii ma xaqaa arlada
    Ka guur yidhi oo u raray
    Guriga loo wada socdoo
    God iyo iilbaa la dhigay

    Halyeygii guul u dirir
    Gees kale oo aad martiyo
    Hadaan ged kaleeto jirin
    Guulena qadarkiisa tahay
    Yaqiinta guddoonasaye
    Hadaanan abaal gudayn
    Wallee kama gaabsadee
    Hiil iyo garashuu lahaa
    Garaad saxanbuu lahaa
    Mujaahid gef diid ahoo
    Garqaadasho leh buu ahaa
    Guddoon adagbuu lahaa
    Golaha nin ka doodi kara
    Han gaabnina aan lahayn
    Oo aan gabbanbuu ahaa
    Gob aan la iloobinoo
    Bulshada aan kala gurine
    Duuduub ku gudoomiyoo
    Dadkiisa la gees ahoo
    Dan gaara inuu ku lumo
    Ta guud uga leexdayoo
    La hubo oo lagu goblamay
    Ayuu Xasan Guure yahay

    Ducana waan kusii gelbine
    Godkiisa alloow ka yeel
    Goobaha naxariista oo
    U gogol oo haku yarayn
    Macbuud garansii xaqoo
    Waydiimaha ugu gargaar
    Gefkiyo danbigana tiroo
    Rabboow janadaada gee

    Axmed Cismaan Batuun…2020……

    Baroordiiqda mujaahid
    (Xasan Guure Jaamac)