Xasuuqii Jasiira – Taxanaha Soomaali waa walaalo, Q. 8aad

    0

     

    Waxaan anigu ka mid noqday shantii qof ee ugu dambeeyay ee hoos looga dhaadhiciyo buurtii ciidda ahayd, waxaanan ugu tegay dadkii oo fadhiya, una fadhiya sidii hore ee saf-safka ahayd oo kale, madaxana ay kula jiraan
    jilbaha dhexdooda oo ay askartiina ku harreeraysan tahay.

    Askarta mid ka mid ahi ayaa meel gaar ah taagnaa, qiyaastii wuxuu ahaa sarkaalkii watay askartaas. Dadkii aan meeshaas ugu imid waxaan ka gartay Nuur Baaruud oo kaliya.

    Markii aan fadhiistay ayuu nin Askari ahi yidhi; ‘Taliye way soo dhammaadeen.’ Ka dibna ninkii sarkaalka ahaa ayaa amarkii bixiyey oo yidhi; ‘Ku fura Rasaasta, maxaad la sugaysaan? Sidaas ayaanay ku bilaabantay rasaastii.

    Dadkii waxay noqdeen qof ashahaata, qof qayliya, qof ooya qofba wax buu ku hadlay, daqiiqado yar gudahood ayey naftii kaga wada baxday dadkii rasaasta lagu furay.

    Cumar Muuse Mire ayaa yidhi isaga oo sii wada dhacdadaas: “Nasiib-wanaag aniga Rasaastu waxay igaga dhacday garabka hoostiisa oo ay jiidhaysay, waxaanan isku dhex tuuray dadkii kale ee maydka ahaa”

    Askartii mar kale ayey haddana soo dhex-galeen maydadkii si ay wixii sii dhaqdhaqaaqaya u dilaan, waxaanay qofkii sii khiikhle ee naftu ka sii gurmeyso ku dhufanayeen dhawr Xabbadood. Woxoogaa ka dib ayuu Sarkaalkii
    yidhi aniga oo maqlaya: “aasa maydadka oo ciidda ku roga, si aanay u arag cid kale”. Sidaas awgeed ayaa askari kastaa uu mayd lugta qabtay, una jiiday, meelna isugu ururiyeen.

    Aniga waxa i jiiday askari, aad baan u gariirarayay, garriirkana ma aan joojin karayn. Askarigaasi wuu dareemay inaan noolahay, waxaanu la hadley askarigii ka dambeeyey oo uu ku yidhi rasaastiiba iga dhammaataye ii
    dhiib qorigaaga.

    Markaa, mid kale ayaa igu soo noqday oo isna lugta i qabtay, waxaanu yidhi; ‘waar maad arag qof dhintaye, kani ma noola ee wuu dubaaxinayaaye ciidda ku rog.’ Sidaas awgeed ayay woxoogaa ciid ah dusha iiga saareen,
    isla markaasna dhinac ayaan ka neefsanayay.

    Intaa kadib ayay Askartii fuuleen baabuurtoodii oo saddex ahaa, markii ay woxoogaa iga sii maqnaayeen ayaan iska rogey ciiddii oo aan kacay, dadkii ayaan eegay iyagoo qof waliba uu googgo’ay, Rasaastiina aad ugu dhacday,
    naftiina ka wada baxday dhammaantood.

    Waxa aan xidhnaa macawis iyo garan aan ku soo toosay, garankiina xabaddii ayaa googoysay. Waxaan u cararay dhinaca badda, waxaan iskaga soo maydhay dhiigii igu masaxmay, kolkaas ka dib ayaan xagga magaalada Muqdisho
    u soo cararay oo markaa ilaa 30-km ii jirtay.

    Qiyaastii illaa lixdii ayaan ka soo dhaqaaqay goobtii uu xasuuqu ka dhacay, magaaladana 12-kii maalinimo ayaan soo galay, waaxanan gaadhay isla gurigii la iga qaaday habeenimadii.

    Isla kolkii aan gurigii soo galay, waxaa la igu yidhi: waar miyaa la idin soo daayey waatii xalay la idin qaaday e? Waxaan ku idhi: “aniga ayuun baa ka nool dadkii oo waa la laayey”. Markaas dadkii ayaa baroor bilaabay
    oo gurigii ayaa lagu soo buuqay.

    Aniga oo marka horeba didsanaa, waan xammili waayay baroorta iyo buuqa. Si aan la iigusoo raacin qaylada oo aan mar kale la ii qaban ayaan dhar gashaday oon iska beddalay macawistii aan guntanaa, ka dibna aan uga
    baxay xaafaddii.

    Waxa aan raacay bas, waxaanan tegay makhaayad la odhan jiray Cagaaran oo aan wax ka cuni jiray asxaabtaydana kula sheekaysan jiray.

    Waxan la kulmay nin aanu qaraabo ahayn oo la odhan jiray Cabdikhaalif Dhaga-weel. Kadib markii aan uga waramay wixii dhacay ayuu i kaxeeyey iguna qariyey guri uu ku jiray, nabarkiina dawo ayuu iga mariyay.

    Dhawr saacadood kadib, saddex nin ayaa ii yimid gurigii aan isku qarinayey. Mid ka mida saddexda nin ayaan aqaannay. Way iga tageen markii aan uga warramay wixii dhacay.

    Wakhti aan ku qiyaasayo ilaa Saddexdii galabnimo, ayaa haddana waxa I soo booqday 7 nin oo ay ku jiraan mid ka mid ah saddexdii hore iyo nin janan ah oo dirays militeri iyo darajo ku labbisan.

    Waxay wateen gaadhi Laankaruusar ah. Mardambe ayaa la ii sheegay in jananku ahaa Jeneraal Xuseen Xasan “Karaj”. Dadka kale ee la socday qaar ka mid ahi waxay ahaayeen Cabdirisaaq Caydiid qaraabadiisii. Gaadhigii ayaanu
    raacnay annaga oo toddoba ah.

    Way I qaadeen, waxaanan u kaxeeyay bartii xasuuqu ka dhacay si aan u tuso maydkii dadka lagu laayey Jasiira. Waxay arkeen maydkii oo sidoodii u yaalla, dabayshuna ciiddii lagu rogay ka qaadday oo hilbahoodii rasaasi
    googoysey. Markay indhahooda ku arkeen wixii dhacay ayaanu dib u soo noqonnay, ayuu yidhi Cumar Muuse.

    Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan oo xilligaas ka shaqaynayay idaacadda BBC-da, ayaa ahaa suxufigii koowaad ee soo bandhiga Xasuuqii Jasiira. Isla kolkii ay laanta afka Soomaaliga ee BBC-du baahisay warbixintaas, gummaadkaas
    idaacada BBC-du waxay ku baahisay saddex luuqadood oo kale – Ingiriisi, Carabi, iyo Sawaaxili.

    Si isku mid ah ayay Hay’adaha xuquuqda aadamiga, dawladaha caalamka iyo dunida kale u ogaatay xasuuqaas, waxaanay sabab u noqotay inuu Siyaad Barre ka baaqdo ka qaybgalo shirkii Midowga Afrik oo lagu qabanayay Itoobiya.

    Afweyne, si uu isaga dhigo in aan waxba kala socon xasuuqaas, wuxuu u magacaabay guddi maqaar-saar ah oo baadha xasuuqii ka dhacay xeebta Jasiira, bal se suuragal ma tahay inuu nin dhagarqabe ahi shaqaalihiisa ku
    amro inay soo helaan dhagartii uu isla isagu galay? Xiitaa haddii ay soo helaan, ma ku dhacaan inay run ka sheegi karaan wixii ay baadhitaanka ku helaan?

    Waxa habeenkaas hal meel lagu wada toogtay sagaal qof oo guri qudha laga la soo wada baxay, afar qof oo kale oo iyagana isla guri laga la soo baxay, haddii aanu Cumar Muuse bedbaadi lahaynna, afartaasi waxay noqon
    lahaayeen shan qof.

    Guriyihii buuxay habeen ka hor, habeenkii ku xigay sanqadhi ka ma ay baxayn!

    Amarka lagu gummaaday 57-kaas qof waxa uu ka yimid wiilkii Afweyne uu dhalay ee Maslax Siyaad, waxaana fuliyay Dhagarqabe, Kornayl Ibraahin Cali Barre (Canjeex) oo dabcan inaadeerkii ahaa, iyada oo aan waraysi laga
    qaaday Kornayl Canjeex oo ku saabsan xasuuqii Jasiira, ku soo bandhigi doono qaybta xigta.

    Dadkaas idil ahaantood waxaa lagu bartilmaameedsaday haybtooda. Akhri magacyada dadkii la xasuuqay iyo shaqooyinkii ay qaban jireen:

    1.Ibrahim Hasan Gelle – US-OMC-somalia

    2.Ibrahim H. Abdillahi Dirie – Besinessman

    3. Mohamed Ismail Ahmed – BUSINESSMAN

    4.Yusuf Mohame Handulle – USAID

    5.Abiwahab Farah Ahmed – Student

    6.Mohamed Mohamud Abdi – Businessman

    7.Hassan Aw Nur Barud – Businessman

    8.Abdi Osman Dubad – Trader

    9.Mohamed Musa Mohamed – Trader

    10.Mohamoud Bacadle – Civil servent

    11.Daud SH. Ibrahim

    12.Farah Ismail Awale – Student

    13.Dahir Mohamed Jama Warfaa – Trader

    14.Dayib Abdi Burale – Trader

    15.Husein Omar Husein – Trader

    16.Saeed Mohamed Mumin – Ass.pro.Lafole S.N.U

    17.Musa Abdi Gaas – Businessman

    18. Abdi Barre Osman – Graduate.

    19. Barre Osman Abdi – Trader

    20. Ali Aw-Muhumed Mohamed (burale) – Trader

    21. Yusuf Abdillahi Roble – Graduate Dr.

    22.Ali Mohamed Abdi – Student

    23.Abdi Mohamed Abdi – Technician

    24.Ahmed Yassin Omar Jama – Businessman

    25.Mohamed Abdi Hassan – Businessman

    26.Ibrahim Hassan Ege – Technician

    27.Abdi Muhumed Daud – Businessman

    28.Jama Mohamed Abdi – Trader

    29.Ahmed Hassan Elmi(Dheereeye) – Sportsman

    30.Rashid Mohamed Osman

    31.Mohamed-Bashe Abdillahi Hebaan – Trader

    32.Abdirahman Ahmed Dhimbil – Civil servent

    33.Hussein Muhumed Farah – Civil servent

    34.Abdirahman Mohamed Osman(beledi) – Trader

    35.Abdirizaq Aydiid Mohamed – Student

    36.Hussein Osman Jama – Student

    37.Khadar Mohamed Ahmed – Student

    38.Bihi Ibrahim Ahmed – Student

    39.Hassan Nur Hersi – Student

    40.Abokor Mohamed Yousuf – Trader

    41.Hassan Guure Abdi – Trader

    42.Khadar nuur Jama – Trader

    43.Ahmed Yusuf Ibrahim – Trader

    44.Mohamed Osman Jama – Trader

    45.Hassan Abdi Muhumed – Businessman.

    46.Matan Abdi Habashi – Student

    47.Fuad Abdillahi Ibrahimshicib

    48.Hussein Ali Aden – Businessman

    49.Saeed Nur Musa – Businesman

    50.Abdirahman Mohamed Bihi – Businessman

    51.Abdifatah Ahmed Jiir – Student

    52.Ali Mohamed Dirie – C.Serv

    53.Jama Aden (barosin) – Civil servent

    54.Hussein Kheyre Abdi – shicib

    55.Warsame Dugsiye Reydal – Trader

    56.Muhumed Abdillahi Warsame – Trader

     

    Tixraac:

    1. BBC-da, laanteeda afka Soomaaliga

    2. Somaliland Democracy Watch Organization –
    SDWO.com

    3. Waraysiyo kala duwan oo lala yeeshay Cumar Muuse Mire.

    4. Waraysi laga qaaday Dr. Maxamed-Rashiid Sh. Xasan, 2007.

    5. Wargeyska Himilomedia

    6. Wargeyska Geeska Afrika

    7. Wargeyska Haatuf

    8. Wargeyska Ogaal

    9. Shabakadda Ramaasnews

     

    Qore: Maxamed Sharma’ake

    Sharmaake91@gmail.com