“Salaadiintii aannu naqaanay reerahooday ka shaqayn jireen, niman aan ogaynba reerkoodu wuxuu…” – Eng Faysal Cali Waraabe

    0

     

    Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa ka dareen-celiyey hadallo dhawaan ka soo yeedhay qaar ka mid ah madax-dhaqameedka dalka oo shaaciyey inay ka qayb-qaadanayaan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

    Madax-dhaqameedka dalka qaarkood oo dhawaan saxaafadda la hadlay, ayaa xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi ku dhaliilay doorka wada-hadallada Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen inay ka gaabisay sii socoshadooda, iyagoo soo jeediyey in laga qayb-galiyo wada-hadallada.

    Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, waxa uu madax-dhaqameedka ugu baaqay inay ku koobnaadaan waajibaadka dhinaca Dhaqanka ee loo doortay iyo hawlaha ay masuulka uga yihiin qabaa’ilka xilka u dhiibtay.

    “Salaadiinta waxaanu leenahay Salaadiintii aannu naqaanay reerahooday ka shaqayn jireen, niman aan ogaynba reerkoodu wuxuu kusoo noolaa, ayaa siyaasiyiinta gelaya, salaadiin si fiican u hadashayna way jiraan,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

     

    Somalilandpost.net

    contact@somalilandpos.net