Wasaaradda Arrimaha Bulshada oo Shaqo-abuur u samaysay 55 qoys oo Danyar ah

    0

     

    Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Arrimaha Bulshada, Qoyska iyo Shaqo-abuurka ee Somaliland, ayaa shaqo-abuur u samaysay 55 qoys danyar oo laga soo kala xulay gobollada Dalka.

    Kulan lagu shaaciyey mashruucan oo ku qabsoomay Xarunta Wasaaradda, waxa ka qayb-galay madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Bulshada iyo Agaasimaha Wasaaraddaas, Wasiirka Maalgeshiga, Qoysaska shaqo-abuurka loo sameeyey iyo Marti-sharaf kale.

    Ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Bulshada Cabdirashiid Ibraahim Sheekh oo faahfaahin ka bixiyey qaabka ay wasaaraddu maalgeshiga ugu samaysay shaqo-abuurka qoysaska.

    Faah-faahinta Warkan kaga bogo muuqaalka Hoose.