TAMANI (Gabay)

    0

    Asalaamu Calaykum , ugu horayn waxaan salaamayaa Shabakadaha warbaahinta iyo inta afsoomaaliga ku hadhasha , waxaan si gaar ah u salaamayaa abwaanadii ka qayb qaatay  silsiladan ahayd  taladay suugaanta  oo uu bilaabay abwaan Qorane  wacays gabyxoog  kanina waa gabay kamid ah silsiladan tiinleyda ah  oo aan curiyey  20/10/2011

    Waayahanban taahbaan ku jiray tawsna waan qabaye
    tashuush baa igalay oo maladin toban dharaaroode
    tiiraanyo igu raagtaybaan  tuur isleeyahaye
    taminiga  habeenkii hurdada toosay oo kacaye
    tuhun igu lamaan iyo hammigu wuu itiimbadaye
    matusmaysan umana tudhan hadana taatax orodkiiye
    tamartaada wixii uun ahee kula se toosnaada
    toorihiisa inaad raacdo iyo tiigsabaa wacane

    Tafsan haba dambaysee hadaan tirade kaa buuxin

    Waa lala tacaalaa wixii toosin kaa mudane
    maantana tiraabtaan rabee abid tisoobeynin
    kol haddii abwaan tanuu ku kabay taaj usoo galiyey
    aan tibaaxo maansooyinkii aan  tusmeyn jiray

    Suugaantu goortay tagtaan tabay abraartiiye
    taariikhdu goortay luntaan jaray tiraabtiiye
    balse waxay talaabadu baxdaa goorta ay tahaye
    tilmaantuna marbay fiicantoo taysna leedahaye
    geelaba waxaa loo tisaa ood latiirdhigaye
    hadalkana abwaan taabtaybaa loo tixgeliyaaye
    tawjiiha waa lagu wadaa taabi geediga’e
    murtidana waxaa loo tabcaa jiilka soo taxane
    kuma taranto meel aan lahayn tog iyo maamuuse
    kuma toyato meel aan lahaynduul lataabaco’e

    Walaahiye tabtay ilatihiyo taladay suugaanta
    haddii aan tisqaad iyo wanaag loo tixgelinaynin
    ama aan lataabicin dhakhsaa laysu  tiriyaaye
    tollaahiye waxaa soo ifbixi tuuryo yaab badan!!!

    Afkeenii tahriibuu ku lumay taana waa halise
    tarxiil wuxuu ku marayaa badweyn teela loo dhigane
    luuqdiina tookhbaa badalay iyo taar nin soo diraye
    hidihiina teybaa  bedalay teylor iyo gaale
    dhaqankiina tamashlaa badalay oo toban ba waa cayne
    toorihiisi wuu lumay waqtigu wuu istarayaaye

    Walaahiye tabtay ilatihiyo taladay suugaanta
    haddii aan tisqaad iyo wanaag loo tixgelinaynin
    ama aan lataabicin dhakhsaa laysu  tiriyaaye
    tollaahiye waxaa soo ifbixi tuuryo yaab badan!!!

    Tumaatidu intay leegtahaan tag isbidayaaye
    tiigsaan isleeyahay raggaa tiirshay dhabarkeede
    toosibaan isleeyahay abwaan tiicay waa hore’e
    tartiib iyo tusmaa heegan roon toosan iyo muuqe
    tiiribaan isleeyahay murtidu yey tawaawicine

    Taladeedu geedbay lahayd tooyashada guude
    tiiriyaay rag yuu kala tagine tanina weeyaane
    tayeynteedu guul waxay u tahay kaan wax tarahayne
    waxba taladu yey ila durkine waxaan kusoo teedshay
    maantaba  turaabkaa kabadan tiro lasheegaaye
    tobanaan kun waa gaadhayaan kuwa tiraabaaye
    bal ka taliya maantaba hadii laysu tabinaayo???

     

    Hal-abuur: Cabdirashiid khadar jamac (halac)

    Hargeysa, Somaliland

    Phone :002522 4009120

     e-mail: qabile44@hotmail.com