Gabay: Xaq-soor (Xisbiga UDUB) – Waxaa tiriyey: Jamaal Cali Xuseen

    0

    Gabaygan waxa uu soo baxay March 29keedii, 2012 markii lay sheegay shirkii ay guddida fulinta ee xisbiga UDUB ku yeesheen guriga Gudoomiyaha xisbiga mudane Daahir Riyaalle Kaahin. Halkaasoo uu mudane Riyaalle uu go’aamo ugu sheegayey isagoo laalaaya go’aamaddii ka horeeyay ee guddida fulintu ay si aqbaliyad ah hore ugu gaadheen markii uu isagu dalka kaga maqnaa wadankaasi Faransiiska. Ficilkaa gudoomiyahuna waa mid ka baxsan xeerka Xisbiga oo guddida fulinta waxa laali kara go’aankooda uun shirweyne xisbi oo la sameeyo. Haddaba in badan baan ka aamusnaa khilaafkan xisbiga oo aan ixtiraam muujiyey inkastoo laygu gardarooday oo hadalo deel-qaaf ah saaxaafadda ay ka mariyeen masuuliyiinta kale hawgu horeeyo gudoomiyaha Xisbiga Mudane Riyaalle oo markaasi Paris joogay isagoo idaacaddaha siinaayey waraysiyo lid igu ah aniga runtiina fajaciso igu noqotay maadaama uu Riyaalle yahay ninkii ii soo horseeday xisbiga laftigiisa iyo arrinkan aan galayba. Shuruudo badan oo ay igu xidheen oo runtii aanan qaarkood raalli ka ahayn ayaa laygu kalifay, waxaanan dareemay inay goobtani tahay meel shacbi wanaagsan iyo gudiyo fiican haysata laakiin ay hogaankeedii u sareeyay raacaynin sharciyaddii lagu heshiiyey ee ay hore u qorteen. Kolay Gabaygani waa hor-dhac waraysigayguna wuu ka danbeeyn doonaa Inshallah anigoo si fiican u qaadaa dhigi doono xaallada taagan haddii Ilaaha awooda lihi uu igu simo. Anigoo weli wax badan xeerinaya ayaan Gabaygan ku soo hal qabsaday Axmed Aaden Ismaaciil  (Axmed Keyse) oo ah kusimaha  xoghayaha guud ee xisbiga UDUB oo markaan warkaasi maqlay ka hubinaayey isaga xaqiijinta warkaasi.

    Haddaba wuxuu yidhi:

    Anoo xog badan haynin baan UDUB, xaajadeed galaye

    Waxan xalay xiddigaha tiriyoon, xeradda eegaaba

    Waxaan xilkaskii xisbiga UDUB, xaashi ku dhigaaba

    Xeer-beegtiddii xisbiga waxaan, xulafo raadshaaba

    Waxaan xasuustii Keeysoow, tallo ku xiiqaaba

    Walee adiyo rag kalaan xurmadda, xubin xubin u siiye

    Xayndaab nin laga dhigtiyo adaa, xusulo dhaadheere

    Xalaawaad nin helaayabaa, xaajo meel marine

    Nin hadduu xaqaaga duudsiyo, looma duur xule e

    Warkuun ii hormari xoghaye, waan xujeeysnahaye,

    Xayawaankuba waxa uu gala, xaafad gooniya e

    Waa dar aan xeerar iyo lahayn, xaakim iyo sheekhe

    Xisbigu sharci buu leeyahiyo, xeerar gooniya e

    Waa astaan geed lagu xardhoo, lagu xushmeeyaaye

    Xaajigii Rashiid iyo raggii, xukunka keenaayey

    Raggii xeel-dheeri gartaa, xarafka feeygaaray

    Gaagaaliyo xisbiyahannaddii, xididka beeraayey

    Xaqii Maxamuud Siciid yidhee, xalayto lay sheegay

    Idiris baa xasuus ka tegiyo, xaragadiisiiye

    Cumar Jaamac, Hodan iyo xulkii, xagarka diidaayey

    Xisti niman lahayniyo Abiib, xaakim ina Daahir

    Xubnihii Mingistiyo lahaa, Xaaji Ina Daa’uud

    Hindi xeegadiisiyo halkuu, xawda kaga gooyey

    Ina Cabdi Malow xalkuu waday, waa xadiis dhaba e

    Xildhibaan Ayaanliyo Jirdiyo, xulashaydeediina

    Xawaareeyiyo Ina Cigaan, weli u xiisoone,

    Cali Gurey haddalkuu xushaye, hoosta ka xariiqay

    Xaamudiyo Dabliyo Miiganiyo, Xaakim Ina Yuufle

    Barkhadiyo Tallaabiyo xertii, waa u xogogaale

    Laba Diiriyiyo xidigyaddii, xaawle Ina Qaasim

    Xildhibaan Garaadiyo Gadhweyniyo, xulufaddii Shiine

    Xeerbeegti Ina Yaasiniyo, Xasanaddii fiicnaa

    Raggii gardaradda xayndaabaye, xeerar ku wareejay

    Waxaan xasuustii Keysoow, tallo ku xiiqaaba

    Waxaan xifaallaha dareenkii, xalayto reemaaba

    Walee adiyo rag kalaan xurmadda, xubin xubin u siiyey,

    Kuwii kibir xuuraamiyee, xanaf wareeraayey

    Iyo dar xariifnimo sheegtayoo, xabag sideedaa ah

    Iyo duul beerkiyo xaydhaba, xulashadeed diiday

    Xaqiiqduba uma muuqatoo, mana xishoodaane,

    Xurmo badan nimaad siisayoo, kuna xumeeynaaya

    Iyo nimay xaajo meel u taal, looma duur xullo e

    Odaytinimo xisbigaan bidayaye, xulatay laabtaydu

    Xisbigaan dartii u xiiqaye, uba xajiimoobay

    Xisbigaan xoog iyo xoolaba, xuubka ku idleeyay

    Hadday xaakimaddii hor fadhiyey, xoollo ka rabaane,

    Riyaallan xogtiisii heloo, xuurto beegsadaye

    Nimankii xisbiga laba listee, xoorka ka dhamaayey

    Xaalad abuur iyo waxay wadaan, xasaradoodiiye

    Xurguf waxay caddeeysteen bal eeg, xaqa la diidaayo

    Xinjirtii cas miyaa lagu murmaa, midabka xoogeeysan

    Xishoodku wuxuu qayb ka yahay, xididadeenaase

    Ninkaygii xisbiga u hiishaybay, ximi yidhaahdeene

    Nin hadduu xaqaaga duudsiyo, looma duur xullo e

    Warkuun ii hormari xoghaye, waan xujeeysnahaye,

    Xisbigu sharci buu leeyahiyo, xeerar gooniya e

    Waa astaan geed lagu xardhoo, lagu xushmeeyaaye

    Bini aadam xad buu leeyahiyo, wuxuu u xeertaaye

    Nina keligii ma xuurteysan karo, tallo xisaabteede

    Waa in xumaanta ka dhiidhinaa, xarakadeedaase

    Nin xasanaad doonayaa si kale, uma xadreeyeene

    Ninkaa xaqaygii laalaye, xeerka jebinaaya

    Xaq-soor inuu noqdaan rabee, rag is xiniin taabay,

    Dalkii in loo xuub-siito buu, xaaji sugayaaye

    In loo xusul duubto aayahay, umaddi xiiseeyne

    Xigaalkaan kasbaday reer UDUB, xulufo weeyntiina

    Dadkii taageeradaa xasilan, xarakadaas keenay

    Salaan xushmad lehiyo iiga gee, xarafka diimeedna,

    Wa Bilaahi Tawfiiq: Ilaahay wanaaga hayna garansiiyo;

    Gabayga waxa tiriyey: Jamaal Cali Xuseen