Tartan-ciyaareed lagu xusayo Ruug-caddaayadii ka Baxay Saxaafadda Somaliland oo la shaaciyey iyo Cidda ka Qayb-qaadanaysa

    0

    Hargeysa (SLpost)- Tartan Kubadda Cagta ah oo loogu talo-galay in lagu xuso Suxufiyiintii Ruug-caddaaga ee ka geeriyooday Bahda Saxaafadda Somaliland, ayaa la qorsheeyey in bisha Barakaysan ee Ramadaan lagu qabto magaalada Hargeysa.

     

    Tartanka oo qaban-qaabadiisu socoto, isla markaana ay taageero iyo taakuloba ka geysteen Dhowr Shirkadood oo shirkadaha Is-gaadhsiinta ah iyo kuwo kale, ayaa shaacintiisa maanta lagu ibo-furay garoonka kubadda Cagta ee Cali Gadhle Stadium ee magaalada Hargeysa.

     

    Fekerka lagu abuuray tartanka iyo Qaban-qaabadiisa waxa Isku hawlay Suxufiga da’da yar ee Cumar Maxamed Cabdi (Cumar-Shaafi). 

     

    Kooxaha ka qayb-galaya Tartanka, ayaa dhammaantood la qorsheeyey inay ka socdaan isla markaana metelaan Hay’adaha Warbaahinta ee kala Duwan, Sida Telefishannada, Wargeysyada iyo Website-ka.

     

    Haddaba Faahfaahinta Warkan kagaga Bogo Muuqaalkan Hoose