Maxkamadaha Somaliland oo lagu eedeeyey Sharci-jebin iyo Sii-deynta Eedaysanaaal Musuq-maasuq loo xidhay

    0

    Hargeysa (SLpost)- Xafiiska Xeer ilaalinta Guud ee Somaliland, ayaa maxkamadaha dalka ku eedeeyey inay tahay masuuliyad-darro sharci iyo Jebinta Shuruucda dalka go’aanka ay ku sii daayaan Shaqsiyaad loo xidhay eedaymo musuq-maasuq oo loo haysto.

    garsoorka

    Ku-xigeenka Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka oo maanta la hadlay saxaafadda Somaliland, ayaa ku dhaliilay Maxkamadaha Somaliland inay sii daayaan ama xorriyaddooda u soo celiyaan shaqsiyaad ku eedaysan arrimo musuq-maasuq kuwaas oo ay ku jiraan masuuliyiin hore uga tirsanaa hay’adaha kala duwan ee dowladda.

     

    Masuuliyiintaas la xidh-xidhay oo ay ka mid yihiin Agaasimayaal eedaymaha musuq-maasuq loo haystay, ayaa maxkamadda gobolka Maroodijeex dammaanad ku sii daysay.

     

    Haddaba faahfaahinta warkan ka daawo muuqaalkan Hoose