Madaxweyne Biixi oo Isku-shaandheyn ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda

    0
    Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa xil ka qaadis ku sameeyey xubno ks tirsan golihiisa xukuumadda waxaanu beddelkooda u msgacaabay masuuliyiin cusub.
    Muuse Biixi from UAE March 2019 (9)
    Md Muuse Biixi waxa uu xilalkii ka qaaday wasiirradii qorsheynta iyo Casfimaadka sida lagu sheegsy warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada kaas oo u dhignaa sidan:
    “WAREEGTO MADAXWEYNE: 14 /04/2019
    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-293/042019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.
    Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
    Wareegto Madaxweyne
    Xil ka Qaadis
    Ku: Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon
    Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
    Ku: Axmed Xasan Cigaal Sahal
    Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya
    Ujeeddo: Xil Ka-qaadis
    Mudanayaal,
    Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.
    Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.
    Wareegto Madaxweyne
    Magacaabid
    Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
    Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
    Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
    Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
    Waxaan Go’aamiyey;
    In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:
    1 Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka.
    2 Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
    3 Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
    4 Salaan Xasan Kayd Cabdille Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Itoobiya
    ALLAA MAHAD LEH
    Muuse Biixi Cabdi
    Madaxweynaha JSL.