Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa xilalkii ka qaaday Guddoomiyihii iyo Guddoomiye ku-xigeenkii Gobolka Daad-madheedh, waxaanu beddelkooda u magacaabay masuuliyiin cusub.
War-saxaafadeed Xambaarsan wareegto madaxweynuhu ku soo saaray xilka-qaadista iyo Magacaabista masuuliyiinta, waxa lagu sheegay in Md Muuse Biixi Cabdi uu xilalkii ay hayeen ka qaaday Badhasaabkii Gobolka Daad-madheedh Axmed Diiriye Cabdilaahi iyo badhasaab ku-xigeenkii hore ee gobolkaas Maxamed Cabdillaahi Cilmi (Xujaale).
“Sida aad la socotaan, xilka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.

