Madaxweynaha Somaliland oo ka Qayb-galay Qalin-jabinta Dufcaddii 15aad ee ka baxda Jaamacadda Hargeysa (DAAWO BILICDA SAWIRRADA)

    0

    Hargeysa (SLpost)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta ka qayb-galay xafladda qalin-jebinta dufcadii 15aad ee ka baxda Jaamacada Hargeysa, waxaanu madaxweynuhu markii uu gaadhay Jaamacadda Hargeysa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka mida Ciidamada qaranka Somaliland, ka dibna waxa uu kormeeray qaybo ka mida jaamacada, isagoo dhagax-dhigay dhismaha shaybaadh casriya (laboratory)  oo ay yeelan doonto Jaamacadu kaasoo madaxweynuhu u ballan qaaday jaamacada mar uu kormeer ku tegay 22 May, 2018, sidoo kalena waxa uu xadhiga ka jaray hool weyn oo jaamacadu yeelanayso kana caawin doona shirarka iyo kulamada muhiimka ah.

    IMG_2787Waxaanu Madaxweynuhu ku soo laabtay hoolkii ay ka dhacaysay xafladda qalin jebinta Ardaydu, waxaana halkaasi si balaadhan ugu soo dhaweeyey madaxweynaha maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda oo iyagu hormuud ka ahaa farxadda qalin-jebinta ardayda oo ay wehelinayeen waalidiintii ku soo tabcay mudadii ay soo wadeen hayaanka waxbarashada oo ay maanta ka gaadheen guul balaadhan.

    Waxaana si toosa loo gudo galay munaasibada qalin-jebinta, waxaana ugu horayn hadlay gudoomiyaha jaamacada Hargeysa, oo hambalyo ka dib ka warbixiyey marxaladihii ay jaamacadu soo martay wakhtiyadii kala duwanaa iyo halka ay ku sugan tahay wakhtigan iyo weliba waxa ay hiigsanayso sanadaha soo socda, sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay masuuliyin ka socday saddexda xisbi qaran, marti sharaf dhawra oo lagu casuumay munaasibada oo badan  koodu ka socday Jaamacadaha ay xidhiidhka tooska ah leeyihiin Jaamacada Hargeysa, wax isna sidoo kale halkaa khudbad ka jeediyey gudoomiyaha Maxkamada sare, iyo wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo sayniska oo madaxweynaha hadalka ku soo dhaweeyey.

    Waxaanu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ugu horayn hambalyo u diray Ardayda qalin-jebisay maanta, waalidiintii ku soo tabcay iyo macalimiintii wakhtiga geliyey inay waxbaraan midhaha qarankan Somaliland u soo baxay, waxaanu madaxweynuhu shahaadooyin gudoonsiiyey Ardaydii ugu saraysay dufcadaha kala duwan ee Jaamacada Hargeysa iyo xubin sharaf ay Jaamacada Hargeysa ku qiimaysay dedaal waddannimo oo uu muujiyey askari ka tirsan ciidanka nabadgelyada waddooyinka oo ay maamulka iyo ardayda Jaamacadu u aqoonsadeen muwaadin daacad u ah qarankiisa iyo shaqada uu hayo, markii uu madaxweynuhu shahaado sharaftaa gudoonsiiyey muwaadinka waxa uu goobta ka sheegay madaxweynuhu in uu isna dalacsiiyey hal derejo askarigaasi oo markii hore ahaa saddex xadhigle, madaama oo ay intaas oo qof u markhaati fureen inuu yahay muwaadin muujiyey dedaal iyo daacadnimo ay ku dheehan tahay waddanimo.

    8B7A9074

    8B7A9095

    8B7A9160

    8B7A9227

    8B7A9246

    8B7A9249

    8B7A9254

    8B7A9259

    8B7A9271

    8B7A9316

    8B7A9328

    8B7A9363

    8B7A9364

    IMG_2192

    IMG_2197

    IMG_2209

    IMG_2213

    IMG_2216

    IMG_2220

    IMG_2223

    IMG_2226

    IMG_2227

    IMG_2233

    IMG_2244

    IMG_2252

    IMG_2259

    IMG_2264

    IMG_2269

    IMG_2288

    IMG_2291

    IMG_2300

    IMG_2307

    IMG_2313

    IMG_2319

    IMG_2328

    IMG_2333

    IMG_2346

    IMG_2355

    IMG_2362

    IMG_2364

    IMG_2377

    IMG_2391

    IMG_2394

    IMG_2411

    IMG_2417

    IMG_2424

    IMG_2431

    IMG_2440

    IMG_2445

    IMG_2448

    IMG_2454

    IMG_2457

    IMG_2462

    IMG_2475

    IMG_2478

    IMG_2490

    IMG_2492

    IMG_2496

    IMG_2498

    IMG_2501

    IMG_2507

    IMG_2510

    IMG_2513

    IMG_2516

    IMG_2547

    IMG_2568

    IMG_2585

    IMG_2596

    IMG_2604

    IMG_2608

    IMG_2615

    IMG_2621

    IMG_2648

    IMG_2650

    IMG_2656

    IMG_2665

    IMG_2674

    IMG_2689

    IMG_2696

    IMG_2698

    IMG_2708

    IMG_2717

    IMG_2734

    IMG_2739

    IMG_2747

    IMG_2749

    IMG_2756

    IMG_2764

    IMG_2766

    IMG_2768

    IMG_2770

    IMG_2772

    IMG_2787

    IMG_2789

    IMG_2799

    IMG_2809

    IMG_2814

    IMG_2821

    IMG_2825

    IMG_2827

    IMG_2829

    IMG_2857

    IMG_2882

    IMG_2890

    IMG_2899

    IMG_2915

    IMG_2917

    IMG_2926

    IMG_2933

    IMG_2938

    IMG_2947

    IMG_2948

    IMG_2957

    IMG_2972

    IMG_2977

    IMG_2988