Dowladda Itoobiya oo markii u horeysay ka hadashay Sii-deynta Qalbi-dhagax iyo Qaabkii ay ku timi

    0

    Muqdisho (SLpost)- Dowladda Itoobiya ayaa markii u horeysay sharraxaad ka bixisay qaabkii loo maray iyo dedaalladii sii-deynta Cabdikariim Muuse Qalbi-Dhagax oo ka tirsan Jabhadda ONLF, kaas oo muddo sannad ku dhow ku xidhnaa Gudaha dalkaasi Itoobiya, kaddib markii laga qabtay gudaha Soomaaliya.

    sii deynta qalbi dhaxSafiirka u fadhiya Itoobiya magaalada Muqdisho Jamaaludiin Mustafa Cumar oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in sii-deynta Qalbi-dhagax ku timi codsi dowladda Soomaaliya u gudbisay Dowladda Itoobiya.

    Muuqaalka Hoose Ka Daawo faahfaahinta warkan.
    https://youtu.be/wuhpYE3uo90