Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Wasiirro booqday Jiidda hore ee Ciidamada Qaranka, farriin cadna u diray Maamul-goboleedka Puntland

    0

    Laascaanood (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax oo ay wehelinayaan wefti isugu jira wasiirrada Gaashana-dhigga, Horumarinta Biyaha, iyo xildhibaanno, ayaa maanta booqday fadhiisimada ciidamada Qaranka ee deegaanka Tukaraq oo shalay dagaallo ku dhexmareen Ciidamada Qaranka iyo ciidanka Maamul-goboleedka Puntland.

    Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Wasiirka Gaashaan-dhigga iyo Wasiirka Horumarinta Biyaha oo halkaas ka hadlay, ayaa luuqad adag kula hadlay maamul-goboleedka Puntland.

    MUUQAALKAN HOOSE KA DAAWO HADALKA MASUULIYIINTA

    https://youtu.be/iFFVAan0m8k