Madaxweyne Muse Biixi oo Digreeto ku Asteeyey Xuska Maalinta DHIRTA Somaliland

    0

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo sumaddeedu tahayJSL/XM/WM/222-79/42018 ku asteeyey in Maalinta Dhirta 15ka bisha Afraad (April) ay ahaato maalinta Dhirta Jamhuuriyadda Somaliland, sannad walba.

    muuse biixi iyo Ergayga Qaramada Midoobay (4)Waxaanay wareegtadu u dhignayd sidan:

    Wareegto Madaxweyne

     

    Maalinta Dhirta Somaliland

     

    Markaan Arkay:                  Qodobka 90aad,  34aad, Faqradda 4aad iyo 18aad,  ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

     

    Markaan Arkay:                              Qodobka 7aad iyo 9aad ee Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duur-joogta Jamhuuriyadda Somaliland;

     

    Markaan Dersay:                 Muhiimadda ay Dhirtu u leedahay ka hor-tagga Nabaad-guurka, Bad-qabka iyo Bilicda Deegaanka Dalka;

     

    Markaan Arkay:                  In Dabar-goyn iyo xaalufin ba’an lagu hayo dhirta, isla markaana ay lagama-maarmaan tahay in muwaadin kastaa uu xil iska saaro daryeelka iyo beerista dhirta;

     

    Waxaan Go’aamiyey;

     

    In maalinta 15ka bisha Afraad (April) ay ahaato maalinta Dhirta Jamhuuriyadda Somaliland, sannad walba.

     

    In Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer-miyigu ay hirgeliso xuska maalintan sannadlaha ah, iyada oo kaashanaysa Hay’adaha ku shaqada leh Arrimaha Deegaanka.

     

    In Maamulka Gobollada iyo Degmooyinku ay Wasaaradda si buuxda ugala shaqeeyaan Dhir-beerista, Daryeelka Dhirta iyo Daaqa.

    In muwaadin kasta oo Somaliland ahi xil-weyn iska saaro xannaanaynta iyo beerista dhirta.

     

    ALLAA MAHAD LEH

              Muuse Biixi Cabdi

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland