Madaxweyne Muuse oo magacaabay Guddiga heer Qaran ee qaban qaabada xuska 18ka May

    0

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu Maanta wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahayJSL/XM/G/083-076/042018 ku Magacaabay Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

    Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu sidan:-

    Ku: Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland

    Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

    Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga

    Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

    Ku: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

    Ku: Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

    Ku: Wasiirka Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska

    Ku: Duqa Caasimadda Hargeysa

    Ujeeddo:        Magacaabid Guddida Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska 18 May.

    Waxa foodda innagu soo haya Xuska Sannad Guuradda 27aad ee Maalinta Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May, taas oo inooga baahan qorshe iyo u diyaar-garow, maadaama Bulshada Somaliland meel kasta oo ay joogaan, ay u dabaal-degayaan Xuska 18 May, isla markaana dareenka qarannimadooda u soo bandhigaan Beesha Caalamka.

    Sidaa darteed, waxaan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida Heer Qaran ee Agaasinka iyo Qaban-qaabadda Xuska Sannad-guuradda 27aad ee Maalinta Qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.

    Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil weyn iska saari doonnaan Xuska Maalinta 18 May. Sidoo kale, Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxaan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.