Md Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay Shakhsiyaddii iyo Taariikhda Hooyadii Fanka Somaliyeed oo Hargeysa ku geeriyootay

    0

    Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shaqsiyaddii, taariikhdii iyo doorkii ay bulshada Dhexdeeda ku lahayd  Fannaanaddii Caanka ahayd ee Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo-caro) oo xalay ku geeriyootay magaalada Hargeysa.

    Madaxweynaha la doortay ee Somaliland waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayay qoyska, qaraabada, ehelada, bahda fanka iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Fannaanadii caanka ahayd ee Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo-caro) oo ku geeriyootay Hargeysa.

    FB_IMG_1512663616395Marxuumad Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo-carwo) oo ahayd hooyadii fanka Soomaalida, isla markaana ahayd gabadhii u horraysay ee Soomaaliyeed ee ka heesta idaacad, waxay caan ku ahayd heesihii Soomaalida ee loo yaqaanay Qaraamiga, waxaanay hormood u ahayd horumarintii fanka Soomaalida.

    tacsiMadaxweynaha cusub waxa uu ku sifeeyey Marxuumad Shamis Guduudo-carwo mid ka mid ahayd xidigihii ifiyey ee horumariyey fanka Afka Soomaaliga oo ka baxday dhammaan dadka Soomaalida ah, isla markaana waxa uu xusay inay ahayd addoon wanaagsan oo aad u cibaado badnayd.

    Madaxweynuhu waxa uu Marxuumadda Alle uga baryay inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo.