Boorama (SLpost)- Qaar ka mid ah Madax-dhaqameedka ugu tunka weyn gobolka Awdal, ayaa sheegay inay taageero hiil iyo hooba la barbar-taagan yihiin Xisbiga talada dalka Haya ee Kulmiye iyo Murashaxiintii Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka.
Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Suldaan Cabdi Daahir Gaboobe, Suldaan Dhawal oo maanta ka hadlay Kheyriyada magaalada Boorama oo taageerayaasha Xisbiga Kulmiye isu-soo-bax ay cududdooda ku muujinayaan ka dhigeen, ayaa sheegay in shacabka gobolka Awdal badankiisu u codeynayaan isla markaana bar-bar taagan yihiin Xisbiga Kulmiye.
HOOS KA DAAWO MUUQAALLADA HADALLADA SALAADIINTA
1. Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar
2. Suldaan Cabdi Daahir Gaboobe
3. Suldaan Dhawal

