Silsilada SHIINLEY

    0

    Hargeysa(SLpost) Silsiladan SHIINLEYDA- oo todobaadkan gudihiisa ka bilaabantay Barta Facebook ayaa ka dhalatay meerisyo kooban uu abwaan Sidiiq Burmad kaga hadlayay shirarka jaraaid ee sida bilaa ujeedada ah maalin walba loo qabto. Waxayse taxane maansooyin silsilad ah isku badashay markii abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax uu kaga jawaabay maansada ugu horaysa maansooyinka halkan aanu kusoo uruurinay. Maansada laabsaalax waxay abuurtay in abwaano badan iyo dhalinyaro jecel in ay wax abuuraanba kasoo jawaabaan. Waxaanay silsilad maanseedkani  u muuqataa mid ka ka turjumaysa dareenka  bulshada inktastoo aanay jirin ilaa hada aragtiyo aad loogu kala duwanyahay oo abwaanada ay iskaga soo hor-jeedaan hadana waxa muuqata in ay noqon karto silsilad si wayn loogu kala qaybsamo

    Abwaan xasan dhuxul Laabsaalax oo ku soo hal qabsaday abwaan Sidiiq maxamed burmad ayaa yidhi sida tan:

     

    Shaxda Garo Sadiiqoow

    Ina ganay Shilkii Dhacay

    Ma ogayn Shalaytee

    Batuun iyo la shawr guray

    Fartaag hoos u Wada shira

    Xaaji shabaga Soo gali

    Shanqadhaha badh baa jira

    Laga qariyay Shicibkee

    Shiishka Saar Wacyiga jira

    Garashada bal Shaandhee

    Xogta Shaadhka Loo Tolay

    Inaad Sheegto Waa Gare

    Dareenada Shakiga Dhalay

    Yaa Keenay Shaarica

    GoorMuu Sharcigu Yidhi

    Danbi Sheekha kama dhaco?

    Doonidii Shiraacnayd

    Shixnadeeda Yaa dhacay?

    Goormaa Shuruud Li,i

    Sharka Khayrka loo Rogay?

    Damiirkii Shakaalnaa

    Hadmuu shilinku maamulay?

    Sheekada Intaad Daday

    Ha Sharaxo Wax garadkuye

    Maalintii Shilkaha Culus

    Laysku Shiishay Baaruud

    Ninka Dhiig u soo shubay

    Ee Shahiid Ku Talo Galay

    Markuu Saaka Shaacee

    Qiiq Shareeran Daawaday

    Shalay Dhaantay buu yidhi!!!

     

     

    Abwaan Sidiiq Maxamed Burmad

     

    laabsaalaxow shiiq

    ninkastoo shax dhigi jiray

    mas-dilkaa ka shicib badan

    jiiraanka soo shiri

    wax u sheeg haweenkii

    ubadkiina kaga shubay

    laabsaalaxow shiiq

    ninkastoo shax dhigi jiray

    masdilkaa ka shicib badan

    jiiraanka soo shiri

    wax u sheeg haweenkii

    ubadkiina kaga shubay

    shookaanta kuu qabay

    shib dhe kii la odhan jiray

    shicib waa” indheergarad

     

    markii shaalka loo sudhay

    iyagoo wan shilis qalay

    waa kuwaa shariiryaha

    cunayee ka sheekee

     

    iyagoo intii shalay

    aan shilin cid uga tagin

    waa kuwaa shandado kale

    rartayee ka sheekee

     

    cirkanoon raxmaad shubin

    shansannoo abaaro ah

    bal kuwaa shaqaystee

    shilinkii yimaadaba

    shuuqsaday ka sheekee

     

    sida shaagga loo rogo

    shishe iyo dib loo wado

    waa kuwaa shuruucdii

    shabagii ugaadhsiga

    ka dhigee ka sheekee

     

    shaqaaqooyin faafiyo

    xaalado shacbiga dhiba

    guddi shaaci mooyee

    awoodaha dabkoo shidan

    shuuriya ka sheekee

     

    shaqsibaa la doortee

    shaadh bira rag loo tolay

    iyo dhowr shalmado xidhan

    shidhku deeqi maayee

    shil intaanu wali galin

    wadayaal ka sheekee

     

    waa amar shirkadahoow

    u shaqeeya caynkaa

    shilinkaa la kabayaa

    bal inay shantarad tahay

    shalay uun go’aankii

    dhacay uun ka sheekee

     

    baryahaaba shalowyay

    qodayeen shisheeyuhu

    shaqadooda yaa yidhi

    shidaal baadhis weeyaan

    sahan aan xog sheegayn

    bal aduu ka sheekee

    Dhamaadka wada sheekaysiga

     

    Abwaan AXMED CISMAAN BATUUN

     

    Shirka maansayahankee

    Xasan shaaciyoow bado

    Ha is dhaafo shoocaac

    darandoorriyoo shuba

    Shida oo ha oogsado

    Ha shaqeeyo golihii

    Shiishka saari jiray meel

    Ee shicibku tabayeen

    Hala gubo shayaadiin

    Ku shaqaysta dhawr magac

    Qudhayduna shilays iyo

    Murti sheegan maayoo

    Shaaggaan u rogayaa

    Shookaanna ma lehee

    Ragii shiili jirayee

    Sida shaanbaddoo kale

    Shadka saari jiraybaan

    Xalay sheedda ka arkoo

    Isla shawrisbaa tidhi

    La shaqee abwaanada

    Kala shubay warkiinii

    Shaandheeyay weedhaha

    Runtu waa shahiidnimo

    Dadna shaahid weeyaan

    Gefka sheelan lagu yuus

    Hal abuurka shicibkuna

    U bayaami shuqulada

    Shakaal goo dulqaadkii

    Shar ka wayn siyaasiga

    Iyo sheeko daahnayd

    Hal abuurku isu sheeg

    Sharafyahaw maryaha tolo

    Adna sheekh haldeeqoow

    Qabo shamaca nuurka leh

    Ha shallaado maansadu…..

    Abwaan Axmed Fartaag

    Sheekha lacagta qaatee

    Shib ka yidhi xaqiiyee

    Shilmaad ku doorsaday

    Inuu diinta sheeguu

    Shakaal dawlad lagu xidho

    Shacabkana wanaag faro

    Sharka iyo dhibaatada

    Dadka shoolad uga digo

    Xasanow. Ku shubashadu

    Sharaftii Abwaanada

    Qaar bay shalaadkii

    Kaba shuuri tidhi-yoo

    Runta uga shakaalmee

    Saw siyaasi sheekada

    Shaxda ruuxa lagu dago

    Kubad shabaqa muu dhigin

    Waxa shiinka keenaa

    Bal in loo sharaxo iyo

    Dadku shaafi sugayee

    Shaqalkiyo u jeedada

    Shibanaha bal noo sheeg

     

    Abwaan Cabdi Wali Saxardiid

     

    Shar la aan mid nabadiyo

    Dalka weli shil kama dhicin

    Shifo caafimaad iyo

    Shukri mahad ah weeyaan

    Shicirka iyo maansada

    Ragga shaqalka erayada

    Shibanaha ka yeedhshow

    Shadka alifka diidiyo

    Waxa keenay shaashada

    Shicibkaa horseed ka ah

    Shilalkay is geeyeen

    Ayaa lagu shukulayaa

    Iyagaa shalaaftiyo

    Isu gooya shirixyada

    Iyagaa shirqoolkiyo

    Isku xidhaya shookiga

    Shar la aan mid nabadiyo

    Dalka weli shil kama dhicin

    Shifo caafimaad iyo

    Shukri mahad ah weeyaan

    Shicirka iyo maansada

    Ragga shaqalka erayada

    Shibanaha ka yeedhshow

    Shadka alifka diidiyo

    Waxa keenay shaashada

    Shicibkaa horseed ka ah

    Shilalkay is geeyeen

    Ayaa lagu shukulayaa

    Iyagaa shalaaftiyo

    Isu gooya shirixyada

    Iyagaa shirqoolkiyo

    Isku xidhaya shookiga

    Iyagaa shacaabkiyo

    Iska tuura shalawyda

    Iyagaa shilka dhaca

    Isku aadsha shiishkoo

    Nacab sheela duxa wadan

    Dhiigood u shubayoo

    Iyagaa shax guurkiyo

    Isu keena sharaf dhaca

    Shuushkiyo warwerkiyo

    Shaabuuga lala dhacay

    Dib inay u shawraan

    Ugu sheega gabayada

    Iyagaa shacaabkiyo

    Iska tuura shalawyda

    Iyagaa shilka dhaca

    Isku aadsha shiishkoo

    Nacab sheela duxa wadan

    Dhiigood u shubayoo

    Iyagaa shax guurkiyo

    Isu keena sharaf dhaca

    Shuushkiyo warwerkiyo

    Shaabuuga lala dhacay

    Dib inay u shawraan

    Ugu sheega gabayada

     

    Abwaanad Layla Sagal Cali

     

    Niman kiinan showree

    Sheekaysanaayoow

    Duni shaama reertaad

    Shawakhaad la joogtaan

    Shax nimaan aqoon oon

    Kala shubin aduunkoon

    Shacabkana jihaynayn

    Miyuu shaahba helayaa

    Waxa loo shushubayaa

    Lagu kala shaqaystaa

    Shuqul gaara weeyoo

    Inbaa sheer wadaagtoo

    Dabka shidi taqaanoo

    Dalka shoolad baa taal

    Lagu shiilo maatida

    Hilbohooda shuukhana

    Shilimaad la dhaafsado

    Hal-abuur shantiiniyo

    Shankalaa fayow oon

    Wali shuuxu gaadhine

    Taxliil sida sharaabkii

    Intaan lagugu soo shubin

    Shaashadaha istaagoo

    Shiishkiina meel dheer

    Ku shakaala weedhoo

    Hiilka shacabka soo gala

    Baaqaa shirwaynee

    Laabsaalax sheegee

    Batuun shaacinaayee

    Burmad shamac u daaruu

    Shocaacii ka qaadiyo

    Curinteda shiin-lay

    Yaan la iska sheeline

    Cida shaadh cadaanniyo

    Huwan sharaf dadkiisiyo

    Shaadh madoow kuwii xidhan

    Haka eegin sheedoo

    Runta shaal ha saarine

    Golayaal ka sheegoo

    Shaaracyada balsoo tuba

    Shaandho aan u qaadnoo

    Ha wareego shuushkuye

     

    Abdilahi Hasan Ganey

     

    Wax la sheeli karayoo

    La shareero Dhuxuloow (Duhul)

    Shilku waa ka waynyee

    Hal abuurkan shirayaa

    Wax ma shaafin karayaan?

     

    Halabuurkan shirayaa

    Shicibkooda quustee

    Laga shubay kalsoonida

    Laga shiilay dhaqankii

    Shilinkoodi laga cunay

    ee sharafta laga dilay

    Wax maw sheegi karayaan???

     

    Gudcur bahal shanqadhayaa

    Shaki galiyey beeshee

    Halabuurkan shirayaa

    Shamasadoo aroortiii

    Nuurkeedu shaaciyo

    Sida shamac ma nuuraan???

     

    Abwaan Sulub Sh Maxmuud •

     

    Xasanow shuruudiyo

    Kala sheegan hadalkuye

    Shaan dhee ujeedada

    Adigoon wax sheelayn

     

    shuqulkiyo shabaag taba

    Haday shicibku moogyiin

    Shaki kama aloosmeen

    Sheekooyin kii dhacay

    Shirabkiyo waxqabadkuna

    shaan shaan intuu yahay

    waasheed ka,daalaco

    Hadalada shalaal ka ah

    Shax shax iyo shirbuuq buuq

    Waxma shaafiyaayee

    Shaaracu ha,muuqdee

    Shilisaa warkeenani

    Tiifiigu wariyaa

     

    Damiirkii shirqool baa

    Shafka loogu xidhayoo

    Ma,sharaysto shicibkii

    Haduu shilinku maamulay

    Shaxaad kaaba looshiray

    Garashaduna waasheed

     

    An shirabo ujeedada

    Shiishkaygu daarane

    Xasanow shaxdaa gabay

    Adaa sooshirabayoo

    shaaraca dhex keenaye

    Ma,shaan dheeyay aniguna

    Garashadii shiraaqnayd

     

     

    Sakariye jaamac muuse

     

    Hadalkiinu yuu shiikhin

    Yaan shaadhka laga saarin

    Yaaan shiishka laga weecin

    Sheekadu halkay joogto

    Shaxda yaan la wada fiirsan

    Dadku yaanay wada shuuqsan

    Cidkastaaba shaashaynin

    Shinbiruu ka qayb qaadan

    Marka aad shir doonayso

    Kaligaa in aad shawrto

    Shacabkoo dhan ha u sheegin

    Shamac yaaan la wada daaran

    Ha shukulin galay shiidan

    Adoon shaandhadii haysan

    Shiraaq laguma kala haadsho

    Shaadh looma dhigo heeda

    Shiidku yaanu kaaa gaaban

    Shiishku yaanu kaa weecan

    Adoo rabay shariim hoose

    Dadka inad u wada sheegto

    Sharka haysku soo leexin

    Shubka sare ha soo duminin

    Shini haysku kaa kicinin

    Shalay malabki laga qaatay

    Si laguula kala Shiilo

    Abwaanadu u shaandhayso

    Shiinku waa halkeer dhawe

    Erayada shishaaa fiican

    Dadka inaad wax ugu sheegto

    Adigoo shar diidaaya

    Adoo tuugo sheegaaya

    Shilimaadki guranayaa

    Sheekh ilaahay adigoo ah

    Shacabkana u doodaaya

    Hadaad shiishka garan waydo

    Sharaxaadu kaa baydho

    Adigaa shil gali doona

    Shalaw buur ka odhan doona

    Dadeed shib odhan doona

    Shaxdu si ay u waynaato

    Shaqalkuna u fiicnaado

    Waar shiinkan naga daaya

    Oo sheeko kale keena

     

     

    Mustafe Xasan Cabdillahi

     

    Dab lashiday kulay keen

    Shax ladegay irmaandhal

    Dayaxuna shinkiisii

    Isagoon shucaac qabin

    Shamsa noqoy nurkiisii

    Shimbirkiyo ugaadhii

    Shanqadh daaye waayadan

    Shabagii sakaarada

    Dalaq yidhi shabeelkii

    Sharaf dhimatay waayeel

    Shilin noqoy hankiisii

    Shacabkuna damiirkii

    Sharci noqoy wixii uu

    Ka diddaayey shalayto

    Aniguna shilkaa dhcay

    Anfariir shantaa dhaban

    Yaabkii ku shaanbee!

    Shirkan ay abwaanadu

    Shiinlay ka curiyeen

    Ninba maankiis shiilyoo

    Shookaanta maansada

    Hadba meel ku shiishye

    Waa su’aale sheekhow

    Shakibaabay igalisee

    Dowladnimo ma shaadhbaa?

    Suudh iyo shaxaadbaa?

    Danyaraha shiddeeyoo

    Shaanshadooda loogba?

    Wankii shilisba waayadan

    Sheekhii bireeyee

    Badhidiyo shariiryaha

    Subagiisa shiilee

    Haamaha ku shubaya

    Ma siyaasi sheegbaa?

    Waa maxay sharkani dhacay?

    Ee shishe la eegayn!

     

    Cabdi Aadan

     

    duulka aan sharmooye

    lagu sheegin kheyrke

    wanka shilis shaley qaley.

    cidna shilinka uga tegin

    cirka gudhan shanta sano.

    ka shaqeysanaya

    ma shaydaan tahriibo

    shixnadu sideenba?

    ma shisheeye cadawo

    dalka shaleyta yimido

    shaaliyo khamiis la?

     

     

    Raganimo Omar

     

    Murtideeni shiilayd

    Sharafteedu way nayd

    Sharaxaada maansada

    Sharka lagu cadayn jiray

    Hadii lagu shaxaatamo

    Shaadh madaxda loo xidho

    Sheekh male warkeeduye

    Abwaanadan shiraayoow

    Shaacaba ka qadoo

    Sharcigana ha dhaafina

    Sheedaad ka aragtee

    Sharaftana u meel daya

    Shicibkana ha shashayn

    Madaxdana ha shaaabadin

    Sheeg sheegtay xumahee

    Wanagana bal shaandheeya..

     

    Siciid ibraahin Dool

     

    Wali sheeko wa bilaw

    shaxda jeexan ee dhigan

    hawmalayn shantaradii

    wa shiish abawaan sugay

    wa shabag badwayn yaaal

    wa ceel shan baac qodan

    wana laba shub mansadu