Turkiga Oo Warqad Raali Galina Udiray Wadanka Ruushka

    0

    1030845828
    Sida uu sheegay afhayeenka aqalka cas ee wadanka ruushku turkigu waxay warqad  raali galina u direen
    wadanka ruushka kadib markii uu geeriyooday duuliye ka mid ahaa ragii waday dayaaradii ay durkigu soo rideen dabayaaqadii bishii november ee sanadkii hore.

    Ciidamada cirka uu wadanka turkiga ayaa dhulka soo dhigay dayaaran oo maraysay xuduudka u dhexeya seria iyo turkiga kadib markii ay sida aysheegeen kusoo xadgudubtay hawada wadanka turkiga.

    Wadanka ruushka ayaa soorida diyaaradan ku tilmaamay midi dhabarka laga galiyay sidoo kalena sheegay inayka fiirsan doonaan cilaadka ay lalahaayeen wadankaasi ruushka.

    Hadaba madaxwaynaha turkiga ayaa warqadanku faahfaahiyay sida ay uga xunyihiin inuu inuu go o xidhiidhka dhanka diblomacy ahaaneed ee ay lalahayeen wadanka ruushka sidoo kale waxa uu tacsi u diray eheladii uu ka baxay duuliayahan ruush ahaa iyo gabi ahaanba dalwaynaha ruushka sidoo kalena raali galinka bixiyay dhacdadan oo uu ku tilmaamay inay ku dhacday shaki ay ciidanka cirka ee wadanka turkigu ka shakiyeen diyaaradan.russia-30_3339166b

    Madaxwayne ordugan waxa uu intaa raaciyay inuu wadanka ruushku yahay saxib uu leeyahay turkigu
    isla markaana uu doonayo in lasoo celiyo xidhiidhkii wanaagsanaa ee u dhaxeeyay wadanka ruushka.

    Wadamada turkiga iyo ruushka ayaa lahaa xidhiidh aad u wanaagsan ka hor intaan ciidanka cirka
    ee wadanka turkigu soo ridin dayaaradan.

    Lama saadaalinkaro talaabada uu ruushku qaadidoono si uu uga jawaabo dhacdadan balse
    dowlada mosko aad ayay uga xumaatay talaabdan uu turkigu qaaday ee uu ku soo riday
    diyaarada ruushka.