Maansada ‘’BAAHA’’(Cali Ileeye)

    0

    Maansadan Baaha, waxa tiriyay abwaan Cali Sheekh Maxamed Cabdi (Cali Ileeye), waxaanu ka hadlayaa xaaladda abaareed ee dalka ka taagan isagoo shacabkana ugu baaqaya in la is caawiyo oo la sameeyo gurmad. Abwaan Cali Ileeye, wuxuu maansadiisa ku yidhi sidan:

    1

    Waa baahi qaran
    Waa beelo jabay
    Waa xoolo ba’ay
    Waa nugul bakhtiyay
    Waa gaajo ba’an.
    Waa Baaha iyo
    Bayl aan la arag
    Boqolaal sannoo
    Oday booshcaddaa
    Wuxu yidhi Biloow
    ‘’Bahalnimo darteed
    Tani waa balee
    Jiitami bikh iyo
    Bashar bay ahayd’’
    Giriyaad bankii
    Boodh baa ka kacay,
    Dhulka Booramee
    Indho beegsadeen
    Qiiq baa ka baxay.
    Duunyada ba’daay
    Uma booyayee
    Ubad beerraqoo
    Baahida ledaan
    La baroortay CIIL.
    Beeraha Galbeed
    Biqilkii Wajaal
    Kama baxo hadhuudh
    Boqolaal sacoo
    Bayhoof lagdaay
    Dadku waa bestii.
    Baligubadle iyo
    Gaaroodi bilan
    Hawd iyo banaan
    Biya-dhaamis iyo
    Baaq baa ka yimi.
    Xeebaha Berbera
    Hanfigii baddoo
    Jiilaal barkaday

    Guban laga baqool
    Burco iyo Madheedh
    Dadku waa balanbalkii
    Baxsad bay galeen.
    Buuhoodle iyo
    Cayn iyo bartii
    Balidhiig ka Oog
    Sool wuu balbalay.
    Buuraha Calmadaw
    Halka lagu baxsado
    Warku uuma bogin
    Deegaanki baday
    Jiilaalku ‘Baah’
    Boqoroow Alloow
    Baryo noo ajiib
    Beerkaanu nee,
    ‘Dhibicdii Barwaaq
    Heegiyo bilkhayr
    Biyo nagu xilfuro’.
    Bandarjoogta
    Kuwa balad shishiyo
    Baariis jiroow:
    ‘’Baaqeenu waa
    Bulshada u gurmada.
    Balanteenu waa
    Hala bixiyo maal.

    Baaqeenu waa
    biyo-dhaamiseey
    Balanteenu waa
    Baabuur la raro.
    Baaqeenu waa
    Berri laguma simo.
    Balanteenu waa
    Hala baxo dhamaan.
    Baaqeenu waa
    Baad iyo caleen.
    Balanteenu waa
    Dadka oo birmada.
    Curiye:
    Cali Sh. Maxamed Cabdi
    (Cali Ileeye)
    e-mail: caliileeye@gmail.com
    063- 4776153
    Hargeysa- Somaliland