Laan-kuruuser gado, soo bari galley!

    0

    Added by Hassan Maal on January 15, 2016

    ‘‘Waa maan gurracan

    Iyo garasho jaan

    Laan-kuruuser gado

    Soo bari galley!

    Gacal iyo tolow

    Ma guddoonsateen

    Baahida gudbane

    Gurigeenna taal

    Innagoon ka guban

    Gaadhi raaxo leh iyo,

    Laankuruuser gado

    Guuxiisa mood

    Gob in aad ku tahay

    Geeska afrika!

    Gacma hoorsigiyo

    Gun nimo u badheedh

    Soo bari galley

    Laankuruuser gado!

    Waa maan gurracan

    Iyo garasho jaan

    Laankuruuser gado

    Soo bari galley!’’

    Waxa ay ahayd hees siddeetaneeyadii ay ku luuqayn jirtay alle godka ha u nuuriyo’ e fanaannadii weyneyd ee Saado Cali Warsame. Heestu dareen waagaas joogay bay ka warramaysay. Siyaad Barre iyo rakaabkiisii, ayaa waxa ay berigaas dhaqan ka dhigteen in ay gawaadhida noocyadooda ugu wanaagsan gataan, kolka ay dalka dibeddiisa u baxaanna in ay adduunka galley iyo bur kasoo baryaan! Dalka gudahiisa waxa ay ku ahaayeen madax iyo maalqabeenno, oo nin waliba laankuruuser ayuu ku dhex watay, dalka dibeddiisana waxa ay ku ahaayeen masaakiin iyo waxmahaysato dunida soo dawarsata!

    Nasiib xumo, dhaqankaasi lama aanu dhiman Siyaad barre iyo rakaabkiisiiye waa mid illaa maanta taagan. Dalka kolka la joogana madaxdeenna wax ka is qaad qaad badan, marka dhulalkaa kale la joogana waa wada masaakiin dawarsi u heellan, iyaga oo ay weliba qurux la tahay. ‘Dalkani waxa uu noogu deeqay waxaas iyo waxaas’, ‘waxa aanu waxaas ka dalbannay hay’adaha deeq bixiyeyaasha’, ‘Hay’adaha deeq bixiyeyaasha waxa aanu ka codsanaynaa….’

    Si dad ban ayey innoogu leeyihiin ‘ waan idiin baryo tegaynaaye na suga, illen innagu waxba ma qabsan karno’ e’. Muddo dheer ka hor, waakan alle ha u naxariisto’e abwaan Cabdillaahi Suldaan Timacadde, oo Soomaalida ka waaninaya dhaqankan aadka u liita. Waxa uu yidhi:

    Cunto lagugu daba joogo, waa inaad ka caagtaaye,

    Cur-currada wax lagu xoogsadaad, ku cokonaataaye,

    Cuud la is baryaa sharafka, waa kaa carjabiyaaye,

    Dhulka waxa cammira uumiyaha, caaddilkood dhigay e,

    Ma casheeyo weligii, ninkii cagaha laabtaaye,

    Cimrigeenna yaynaan ku lumin, cayda suuqyada’ e,

    Carruur iyo nin weyn sarakacoo, ceelal yada raaca.

    Mar kalena waa kii lahaa:

    Anfac aan la cunin baa jiroo, mawdka kuu sida’ e,

    Maraykan iyo waa kay baxshaan, madaxda Naatoo’ e!

    Waxa aynu u baahannahay in la soo celiyo dhaqankii ahaa ISKAA WAX U QABSO ee aynu hore ugu badhaadhnay. Ugu yaraan waxa uu dhaqankaasi ina dareensiinayaa in aynu iskeen wax u qabsan karno innaga oo aan cid kale marti u noqon. Dhaqaaleheenna ayeynu kordhin karnaa, siyaasaddeenna ayeynu iskeen u qurxin karnaa oo u hagaajisan karnaa, waxbarashada, caafimaadka iyo dhammaan horumarka oo dhan ayeynu iskeen u kobcin karnaa. Laakiin waa goorma? Waa marka aynu dareensannahay in aynu iskeen wax u qabsan karno. Waa marka aynu il fayow ku eegayno dalkeenna iyo khayraadka uu eebbe ku galladay ee cid manaafacaadsata waayey. Waa marka aynu si dhaba u jecelnahay waddankeenna, horumarkiisana meel uga soo wada jeedno.

    Nasiib xumo, waxa aynu rumaynay reer galbeedku in ay hayaan furayaasha arsaaqda, oo ay iyagu wax quudiyaan. Markaasaa marka aynu gaajoonno aynu ku muusannownaa ‘Deeq bixiyeyaashu ha na soo gaadhaan!’ Waxa aynu illownay in aynu ahaan jirnay dad dhaqan leh. Dad dhista, dhaqda, agabka ay u baahanyihiin iyagu samaysta, oo noloshooda iyagu maareeya, dibed iyo cid kalena aan waxba ka sugin.

    Waxa aynu u baahan nahay hoggaamiyeyaal ina bara sida wax loo qabsado, iyo sida tamar iyo dhaqaaleba loo yeesho. Waxa aynu u baahan nahay aqoonyahanno khayraadka dalkeenna ku jira ina bara oo inooga faa’ideeya. Sidoo kale waxa aynu u baahannahay madax han sare leh, oo aan Qamandi inoo soo dawarin’e dunida qiimo ku leh.

    Aan idinku sagootiyo tuducyadan ku jiray gabay uu tiriyey alle ha unaxariisto’e abwaan Aadan Carab. Waxa uu yidhi:

    Marba waxaan maqlaa boqol malyuun waa mucaawino e

    Maalkii arlada loo qabtiyo meeday lacagtiina

    Mooskada ragga u duulayee maylka tirinaaya

    Goormaa waxay muujiyaan lagu manaafiici

    Sow riigna noogama mudaan madasha Buuhoodle

    Bal intee muddo ahaan sugaa maaxda iman doonta

    Bal maxaase hay muuqatee maradi loo qaatay

    Mukhlis iyo haddaan lagu shaqayn orod maleegnaan ah

    Ma xiniinyahay moodayaan muunad nala saaray

    Ma naftiinna maaro u qabtaa nimankan loo miidhay

    Maashiyo haddaan mililka saro malow miyay fuuli

    Ma mucaarad baan ahay haddaan xaqa ku maansoodo?

    W/Q: Ayaanle Maxamed X. Jaamac

    14 January, 2016

    Ayaanle303@hotmail.com