Doorashada dalka Afrikada Dhexe oo la amaanay

    0

    Hargeysa(SLpost)-Doorashadii ka dhacday dalka Afrikada Dhexe ayaa lagu soo waramayaa inay si habsami leh ku dhamaatay

    Balse waxaa jira goobo codbixin oo farsamo xumo laga sheegayo,Dadka dalkaasi ayaa dooranayaa madaxweyne iyo xubno baarlamaan,Ilaa sodon musharax ayaa u tartamaya doorashadan ka dhacaysa dalkaasi

    Qofka xilkan ku guulaysta ayaa badalaya hogaamiyaha ku meelgaarka ah ee talada haya hada

    beesha caalamka iyo mamaulka dalkaasi ayaa si weyn u amaanay qaabka ay doorashadan u dhacday

    Dalka Bartamaha Afrika waxaa labadii sano ee la soo dhaafay ka jira dagaalo diimo ku salaysan