Halista Hinaasuhu Ku Hayo Dhisida Qoys Cusub ”Sheeko Xiiso Badan”

    0

    Waxaan doonayaa manta inaan halkan asxaabta kula wadaago sheeko aad u xiiso badan oo taabanaysa waayaha manta lagu jiro iyo waliga wakhtiyadac dhaxamaha badan ay jiraa waxa kala qabsaday lamaane doonayay inay guri cusub dhisaan  nolosha wadagan. Nin baa waxa uu doonay inuu iska guursado oo uu dhaxamaha ka xeroodo kana xoroobo cidlada iyo sariirta uu kaligii galgalanayo. Kadibna waxay is fahmee, is af-garteen inan aad u soo jiidatay oo naftiisu aad raali uga noqotay waxaana dhexmartay doodan soo socota;

    xaliimo :faarax ma waxad doonaysaa inaan hoy wadaagno, nolosha wada qaybsano labadeenu?

    faarax: haa waxan rabaa inaad nafta ila qaybsato oo aad ubad baariya ii dhasho
    Xaliimo

    : Madama oo aad i guursaneyso shuruudahayga hadal haka soo celin
    Faarax: wayahaye soo daa bal aan kula eegee
    Xaliimo : Jooji sigaarka iyo Qaatka
    Faarax : wayahay
    Xaliimo : Aqalka waa inaad xilli hore usoo hoyataa dee  maqrib ka diba iska soo caraab
    Farax : Wayahay
    Xaliimo : Daawashada Ciyaaraha Kubada waa in aad joojisaa
    Faarax : Waayahay

     xalliimo:numberka telefonka aad sidato waa inaad bedeshaa oo qaadataa mid cusub                 faaraax: waayahay                                                                                                                                        xaliimo: alaabta gurigeena waa in aad dubay inoo dalabtaa oo aad inooga soo iibisaa

     faarax: waayahay

    Xaliimo :Maxay kale ayad Iska deyn kartaa?
    Faarax:  waxa kale oo aan iska dayn karaaaIn aan Ku guursado
    Xaliimo: maxay kale ayaa iska dayn kartaa?
    Faarax: in aan gabadh danbe waxba ka waydiinin guurkayaga iyo waxa ay diidan tahay ama ay jeceshay inan u sameeyo waa sida ayay kuula imanaysaa film kartoon iyo sheeko gaaban
    xalimo: maaha oo waayo maxaa dhacay?
    Faarax: dee adaan wax kuu soo bandhignoo markasad noo la imanaysaa hadal dheer, khudbadii jimcaha ayaad noo akhrinaysaa, ku lahaa maqribka soo xeroo, ciyaaraha ha daawan waxaan ku idhi kaftan ma doonayee waa iga dhab oo guur baan u socdaa
    xaliimo: hayee maxaan yeelaa oo doonaysaa?
    faarax: arimahan qaar waan kaa yeelayaa lakiin dee ha ila sii dabagalin oo ilaa daarada hasocon
    xaliimo: waayahay gacaliye alla ma nin kaa wanaagsan baan helayaa sannadka raggiiba waa la kala boobaya, oo raggii qaaliga ahaa, saafigii aan badhaxa lahayn iyo gobtiiba waa la kala dataye
    faarax: waayahay sidaas aan ku wada shaqayno anna waxaan kaa ilaalinayaa gabadh  kale oo aan kaa daba keeno iyo wax kaa keena hinaase ba’an iyo madaxwereerba
    xaliimo: walaahi maansha allaaah hadaa waa nimco maansha allaah waayahay qalbi saafiyeeye wxaan ka baqayayba waa naag kale miyaanad maqal halhaysta dumarka ee qarniga lagu shaqeeyo “ naag walayba ka aad hesho ama hayso ku mitid oo yaanuu kaa ban bixin”
    faarax: ok, ok ha ka baqan
    xaliimo: waayahay.

    Allaa mahad leh

    Waa qalinkii: c/kariim sh. Maxamud c/laahi “suldaanka”

    Suldaancabdi4@hotmail.com