Malala Yousufzai Oo U Dabaal-Degtay Qaan-Gaadhnimadeeda

    0

    Malala Yousufzai, oo ah qofka ugu da’da yar ee ku guulaystay abaal-marinta Nobel Prize ayaa u daabal-degtay 18 sano guuradii ka soo wareegtay dhalashadeeda.Malala

    Waxay furtay iskuul ay ugu talo-gashay qaxootniga Syria.

    Waxay caan ku noqotay dedaalka ay ugu jirto waxbasrahada gabdhaha kadib markii ay ka badbaaday weerar ay Taalibaanka ku qaadeen.

    Malala waxay doorbiday in qaan-gaadhnimadeeda ay ku billawdo furitaanka iskuulkii ugu horreeyay ee uu maalgaliyo sanduuq magaceeda ku diwaangashan.

    Waxay ku eedaysay waddamada gobolka inay ku guul-daraysteen in ay wax ka qabtaan xaaladda qaxoontiga Suuriya.

    Ololaheedu waxa uu hadda ku qotamaa sidii ay hogaamiyeyaasha dunida ugu qancin lahayd inay maalgeliyaan waxbarashada bedelkii hubka.