Qodobbo Lagu Heshiiyay Oo Kasoo Baxay Shirkii Beelaha Buuhoodle Iyo Qorilugud

    0

    Hargeysa, (SLpost)- Beelaha Buuhoodle iyo Qorilugud oo labadii todobaad ee u dambeeyay shir nabadeed uga socday degaanka Coodanle ee gobolka Buuhoodle, ayaa ka heshiiyay colaadihii sanadihii u dambeeyay u dhexeeyay labada bulsho.coodanle

    Shirka oo la soo gabogabeeyay ayaa lagu baahiyay heshiis ku salaysan murankii dhulka iyo dilalkii dagaalada labada bulsho dhex maray iyo gaadmada dadkii u dhintay oo laga heshiiyay.

    Heshiiska Arrimaha Dhiigga:-

    • Waxay ku heshiiyeen labada beelood nabadgelyo buuxda, daris wanaag iyo in beel waliba ilaaliso xuquuqda beesha kale.
    • In wixii dil iyo dhaawac dhexmaray labada beelood laga soo bilaabo Kalshaale lagu kala samray oo aan waxba laga soo qaadin iyadoo wixii gaade ku dhintayna la isu tuuray.
    • Qofkii danbe ee wax dila labada beelood dhexdooda la waafajiyo shareecadda Islaamka, sidoo kale wixii khilaaf ah oodhan ee beelaha dhexdooda ka yimaada lagu dhameeyo shareecadda Islaamka.
    • In aan beelina magan gelin nin gacan ku dhiigle ah oo dil kasoo geystey beesha kale dhexdeeda loona adeegsado cidkasta oo awood u leh inay wax ka qabato.
    • In wixii hadda ka danbeeya cidii dil geysataa ay ku kooban tahay isaga iyo qoyskiisa cid ugu kaalmayn kartaana aanay jirin.
    • In wixii maanta ka danbeeya dhibkii dhaca lagu dhameeyo xal nabadgelyo oo ay waxgaradka iyo gudiguu ka kulmaan isla markaana ay reeban tahay in la isugu gurmado.
    • In la qabto gudi nabadgelyo oo ka kooban 10 xubnood, oo labada beelood iska dhexqabtaan shirka ayaa laga dhex qabanayaa gudiga.

    Sheshiiska Arimaha Dhulka:-

    • Waxay labada beelood ku heshiiyeen in beesha Habarjeclo degmo baliga Goble-Magan, beesha Dhulbahantana Hagoogane, inta u dhaxaysana sida Kalshaale aan la qodi karin.
    • Waxay labada beelood ku heshiiyeen si loo ilaaliyo daaqa inaan deegaan danbe oo cusub laga samayn karin dhuldaaqeenka u dheexa labada beelood, Sida Inta u dhaxaysa Xadhadhan iyo Coodanle, Goble-Magan iyo Hagoogane, Galgal iyo Qabri Hulul, Qoriligud iyo Maygaagle, Horufadhi iyo Adhi-Boob.
    • In la wada dego magaalada Adhi-Boob.

    Waxaa saxexay heshiiskan Isimadda

    • Suldaan Cabdalaahi Suldaan Cali
    • Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe.
    • Boqor Maxamuud Cali Carab
    • Suldaan Siciid Cismaan Cali
    • Garaad Saleebaan Buraale Aadan.
    • Maxamuud Xaaji Xuseen.

    Heshiiskan ayaa u muuqda mid sal adag u noqonaya nabad waarta iyo inuu suuliyo colaado soo noqnoqday oo sannadadii u dambeeyay u dhexeeyay labada Beelood ee Habarjeclo iyo Dhulbahante.

    Somalilandpost.net