Bogagga Taariikhda: Sooyaalkii Ibraahin Meygaag Samatar iyo Qoraalladiisii – Qaybta 11aad

    0

    hg“…Haddii ay isku-fillaanshaha, dimuqraaddiyadda gudaha iyo maareynta xiisadaha ee wada-hadalka iyo qaababka nabadeed loo adeegsanayaa yihiin waxa Somaliland ka duwaya ama ka soocaya Soomaaliya, xaqiiqadu waxa ay tahay in hababkani ay yihiin qaar lagu soo bartay waayo-aragnimana lagaga kasbaday xanaftii iyo xanuunkii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd.”

    Maqaalka: Mugdiga Iftiin baa ka danbeeya,

    (Light at the end of the tunnel)

    Ibraahin Meygaag Samatar, 1993kii,

    Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

    Hargeysa: 3/5/2015ka

    Qormada: 11aad

    Hadda ha illoobina, Ibraahin wuxu ka hadlayaa waa dimuqraaddiyaddii e’, waxaanu qoray: “Adduunyadan aynu ku nool nahay, dimuqraadiyaddu waxay ka mid tahay ereyada loogu fahmada daran yahay, loogu tarjumadda daran yahay, looguna adeegsiga daran yahay. Doc kale haddii aan ka eego, ereyadani ma aha qaar lagaga heshiiyay culuunta siyaasadda, sidaa darteed diyar uma ihi in aan halkan ku galo qeexid iyo macnayn aan waxba laga dheefayn. Bal se marka aad dhugato ee aad u dhabbo-gasho waayaha Somaliland ka taagan, waxa lama-huraan ah in dhowr arrimood la iftiimiyo ama wax laga yidhaahdaba.

    Obocda iyo murtida dimuqraadiyaddu waa xukunka siyaasadeed oo saldhig looga dhigo dooca iyo dareenka la-xukumaha ama dadweynaha. Tani waxay ku iman kartaa qaabab badan oo kala duwan, oo qaabba qaabka kale ka fiican yahay ama door-roon yahayba. Siyaabo badan ayaa tijaabo loo geliyay hirgelinta ama adeegsiga dimuqraadiyadda intii ay soo taxneyd taariikhda aadamaha adduunyadan ku nool.

    Innagu muslin ahaan waa aynu naqaannaa dimuqraadiyadda. Waxa la soo adeegsanayay tan iyo maalmihii uu islaamku ka tis-qaaday adduunyadan. Mabaadiida ma-guuraanka ahi waxay ku xardhan tahay Quraanka. Intiinna arrintan daahu ka saaran yahay, waxaan ka codsanayaa in ay akhriyaan Suuradda “Aala-Cimraan.”

    Ma aamminsani in qaabka inoo degsan ee dimuqraadiyadda ee xisbiyada badan iyo qof iyo hal cod, uu yahay wax xun oo la eedo ama dagaalaba. Waa uun mid ka mid ah qaababka dimuqraadiyadeed ee aadanuhu soo adeegsaday intii uu dhaqnaa ama soo jirayba. Waxbana kuma jabna haddii aynu hore u sii marinno oo sii qabyo-tirno.

    Ibrahim MeygagIntaa haddii aan qaaday oo dhigay, anigu ma rumeysni in xisbiyada badani dawo u yihiin dhibaatooyinka iyo caqabadaha ina hor taagan dhammaantood. Waxaynu ku qasban nahay in aynu ku kabno dhaqankeenna iyo diinteenna. Haddii kale xisbiyadan aynu ka hadlaynaa waxay iska noqonayaan laf aan dhuux ku jirin ama geed xar galayba. Sidaa haddii ay wax u dhacaan xisbiyadan aynu ka hadlaynaa waxay gabbaad u noqonayaan qaab cusub oo keli-talisnimo oo xubnaha xisbiga lagaga hor joogsado in ay fursad u helaan ay waxa ay doonayaan ku doortaan.”

    Aan ku soo xidho maansadan baroor-diiqda ah oo uu tiriyay Cabdiraxmaan Cawlo (Baqdaadi)

    Waa lama huraan geeridiyo, hoyga aakhiro e’

    Hayeeshee huq bay leedihiyo, hibasho gooniya e’

    Hiirtaanyaday kugu dishaa, hadh iyo laylkiiye

    Meygaag halyey buu ahaa, loo harraad qabaye

    Alleylehe haldoor baa ka baxay, hanaddadeeniiye

    Hakad baa Rashiidaw ku yimi, horumarkeeniiye

    Suuganta hodanka ah murtida, heli-ogaanteeda

    Hawraar odhaah iyo farshaxan, hoga-tusaalaynta

    Kala haadintiisiyo naxwaha, kala hufnaantiisa

    Garashada hoggeediyo sarbeeb, hadallo raac-raaca

    Geesi loo han weynyuu ahaa, lama-huraankiiye

    Alleylehe haldoor baa ka baxay, hanaddadeeniiye

     

    Hilaad iyo aqoon iyo wax-garad, hawlkar iyo daacad

    Hufnaan iyo mudnaan iyo hab-dhaqan, geesi lagu hiisho

    Iyo hoga tausaalaha gartiyo,   guurti ma huraan ah

    Geed hadhac ah oo la hadhsado, hiifka lagu reebo

    Hayin dhaansha oo lagu nastoo, beel harraad-tire ah

    Halka aad ka eegtaba gadh-qaad, libinta soo hooya

    Geesi loo hanwen yuu ahaa, lama-huraankiiye

    Alleylehe haldoor baa ka baxay, hanaddadeeniiye

     

    Hadday murugto oo aad dhib iyo, halis ka yaabayso

    Ku-hagoogashada dhiilladiyo, nabad-heshiisiinta

    Hal-karaanka isu soo hagiyo, hoy-isugu-geynta

    Halgan run ah hayaan meel mariyo, heegan lagu seexdo

    Higsad iyo olole hurinta iyo, haybad lagu guuro

    Hammi lagu baraargu markay, hawl wax-qabad joogto

    Hindisaha tilmaan iyo oddoros, himilo joog dheer leh

    Geesi loo han weynyuu ahaa, lama-huraankiiye

    Alleylehe haldoor baa ka baxay, hanaddadeeniiye

    Hadal deeq leh isu-soo-hilaw, dhiirri hana-qaad ah

    Hogol curatay harahoo biyo leh, waqal hereer joogo

    Baaq hodan ah hirar kuu baxoo, lagu hayaamaayo

    Kooshinoow hoggaan buu ahaa, heer u joogaba e’

    Mar hadday hediisii gashoo, laga hor joogaynin

    Alleylehe halbawlaa badh go’ay, loo hamuun qabye

    Allaw hoyga aakhiro Jannada, hagar la’aan seexi

    Inta NABIGA (SCW) meel la hadhsatiyo, Cali hareer jiifi

    Eebow halaagiyo dhibtiyo, hoogga ka ilaali

    Eebow adaa hodana oo, deeqda noo hura e’

    Eebow haleelada Jannada, hoyga u ballaadhi

    Codsi: Halkaa aan maanta inoogu joojiyo Taxanihii gaabnaa ee aan kaga hadlayay Ibraahin Meygaag Samatar. Waxaan jecelahay markanna in ay markiinnii noqoto oo aad idinkuna Ibraahin wax aan sidaa u sii badnayn ka tidhaahdaan. Waa codsi. Waxaan magan idiin ka ahay in aad waxoogaa ka soo qortaan Ibraahin Meygaag Samatar. Ma taqaannay? Ma maqashay? Qof caynkee ah ayuu ahaa? Wax saamayn ah miyuu kugu leeyahay ama lahaab? Weligaa ma la kulantay? Wax sawir ah ma ka haysaa? Wax sheeko ah ma la yeelatay oo ma kula wadaagi karnaa? Fadlan, aniguba in badan ayaan idin habay ee anigana markiinna bal bog, laba, saddex ama afarba iigu deeqa si aynu u qabyo-tirno sooyaalka taariikheed ee Ibraahin Meygaag Samatar oo aynu dibuhabayn dambe marar badan oo kale wadaagi doonno. Haddii aad wax soo qorayso oo aad soo dirayso fadlan soo raaci sawirkaaga iyo taariikhdaada oo kooban iyo halka aan ku noshahay.

    Dhammaad, wa billahi towfiiq iyo qoraallo dambe oo intan ka shilis.

    HALKAN KA AKHRISO QAYBIHII HORE

    QAYBTII 10AAD

    QAYBTII 9AAD

    QAYBTII 8AAD

    QAYBTII 7AAD

    QAYBTII 6AAD

    QAYBTII 5AAD

    QAYBTII 4AAD

    QAYBTII 3AAD

    QAYBTII 2AAD

    QAYBTII 1AAD