Xaaladda Dalka Burundi Oo Kacsan, Idaacada Qaranka Oo Hawada Ka Baxday Iyo Caasimadda Oo Rasaasi Hadhaysay

    0

    Bujumbura, (SLpost)- Rasaas iyo duqeyn xoogan ayaa ka socota xarunta dalka Burundi ee Bujumbura, waxaana hawada ka baxday idaacadii dawladda dalkaas.Burundi crises

    Ciidamada daacadda u ah madaxweyne Pierre Nkurunziza ayaa la dagaalamaya taageerayaasha Jerneraal ciidamada ka tirsanaa oo isku dayay in uu afgembiyo madaxweynaha.

    Madaarka magaalada Bujumbura oo xidhnaa ilaa shalay ayaa dib u furmay, iyadoo ay halkaas ka duushay diyaarad xamuul siday, garoonkan diyaaradaha oo ay gacanta ku hayaan taageerayaasha falaagada jeneraalka taageersan ayaa shalay arbacada dib u celiyay diyaarad siday madaxweyne Pierre Nkurunziza oo kasoo duulay dhinaca Tanzania.

    Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunzinza, ayaa ku baaqay in la dejiyo xaaladda.

    Somalilandpost.net