WAR DEG-DEG AH: Guddiga ururrada oo ku dhawaaqay tiradda ururrada is-diiwaan geliyey ee buuxiyey Shuruudihii looga baahnaa

    0

    Hargeysa, (SLpost)– Guddiga diiwaangelinta ururrada Siyaasadda JSL ayaa ku dhawaaqay tirada ururrada siyaasadda ee sida rasmiga isugu diiwaangelisay muddadii loogu talo galay.

    Guddiga oo shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskooda ayaa shaaciyey inay 15 urur ay ku guulaysteen inay isu diiwaangeliyaan ka qayb-qaadashada tartanka doorashada Golaha Deegaanka. Ururradan ku guulaystay iyo ka gudbaan marxaladda is-diiwaangelinta ayaa kala ah

    1. WADANI
    2. DALSAN
    3. UDHIS
    4. NASIYE
    5. NDP
    6. UMADDA
    7. GURMAD
    8. JAMHUURIGA
    9. DAMAL
    10. BADBAADO
    11. HORYAAL
    12. RAYS
    13. SSCD
    14. XAQSOOR
    15. NUUR

    Guddigu waxa ay sheegeen inay tiradaas ururrada ee 15-ka loo aqoonsanayo ururrada rasmiga ah ee buuxiyey shuruudihii looga baahnaa, waxaanay uga digeen in ilaa iyo inta la samaynayo shahaadada ku-meel gaadh ah ee wejiga labaad loo gudbiyo,inaanu ururna samayn karin olole taageero raadin ah.

    Ururradan ayaa tartanka doorashada Golayaasha Deegaanka kula tartami doona saddexda xisbi ee haatan jira, taas oo uu suurto-galinaysa inay ka soo baxaan saddex Xisbi siyaasadeed oo si rasmi ah loogu aqoonsan doonaa Xisbiyada ku tartami doonaa doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.

    Somalilandpost.net

    webmaster@somalilandpost.net