Xukuumadda Xasan Sheekh Oo Farriin Adag Oo La Xidhiidha Dekeda Berbera U Soo Dirtay Somaliland

    0

    Muqdisho. (SLP)- Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka fal-celisay hadal-haynta muddooyinkii dambeeyay soo baxaysay ee la xidhiidha in shirkad ajaanib ah lagu wareejinayo dekeda Berbera, waxaanay farriin adag u dirtay dawladda Somaliland.

    Wasiirka Dekedaha Soomaaliya Nuur Faarax ayaa xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo uga digay inuu maal-gelin shisheeye u bandhigo isagoo ku tilmaamay dekedda Berbera hal irmaan oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha iyo degenaanshaha Somaliland. isla markaana aanay ogolayn oo ay sharciga la tiigsan doonaan shirkadaha isku daya inay la wareegaan.

     

    https://youtu.be/tJq7kLypEXQ

     

    Somalilandpost.net