Xafiiska Samo-falka Madaxtooyada Oo Masuul Cusub U Magacaabay Gobolka Sanaag

    0

    Hargeysa, (SLP)- Maareeyaha Xafiiska samafalka Madaxtooyada Somaliland Aamina Maxamuud Diiriye ayaa Farduus Axmed Gurxan Yuusuf u magacawaday isuduwaha gobolka Sanaag ee xafiiska samafalka Madaxtooyada.
    Sidaana waxa lagu sheegay Warsaxafadeed ay maanta soo saartay Maareeyaha Xafiiska samafalka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye, kaasoo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska shabakada wararka Somalilandpost.net, waxaanu u dhignaa dhignaa sidan:-

    “Markay aragtay :   Baahiyaha lagama maarmaanka ah ee loo qabo in la helo

    Qof  wakiil uga noqda xafiiska samafalka gobolada dalka

    Markay aragtay :  Baahiyaha ka jirta dhanka xidhiidhka  dadka dabaalaysan ee

    Xafiisku wakiilka ka yahay

    Markay aragtay  :    in ay lagama maarmaan tahay in la helo qof u metela xafiiska

    oo joogto ku noqda gobolkasta si dadku u helaan cid    ay u soo gudbiyaan kolba halka xaalkoodu maraayo

    WAXAY GO, AANSATAY

    1.In Farduus Axmed Gurxan Yuusuf laga bilaabo manta oo ay taariikhtu tahay 13/04/2015 ay ahaato isku-duwaha gobolka sanaag ee xafiiska samafalka madaxtooyada

    ALLAA MAHAD LEH

    MAAREEYHA XAFIISKA SAMAFALKA MADAXTOOYADA

    AAMINA MAHAMUUD DIIRIYE

     

     

    Somalilandpost.net