Abwaan Weedhsame Oo Gabay Baroordiiqa U Tiriyay Geerida Marxuum Maxamed-Rashiid Muxumed Faraax

    0

    weedhsameAbwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ayaa waxa uu Gabay Baroordiiqa u tiriyey Geerida ku timi Xoghayihii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo doraad si heer qarana loogu aasay Magaalada Hargeysa, kadib markii uu ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo Caafimaad ahaan loogu qaaday.

    Gabay Baroordiiqda ee uu Tiriyay Abwaan Weedhsame ayaa waxa uu ku bilaabay sidan:

    Warkan xaada kiciyee xiskiyo maanka xadanteeyey

    Warkan xagar sidiisii u muday xuubka dhegahayga

    Warkan dhiillo xiintiyo naxdimo xoogle igu beeray

    Wuu xijaabtay weeyaan rashiid xay la noqon waaye.

    Ku xasuuso inu xoojin jiray kay ka xagal daacdo

    Ku xasuuso inu xeerin jiray xaalka Gobi leeday

    Ku xasuuso inu xeeban jiray goorta la is xaaqo

    Ku xasuuso ruuxii xil GABA suu u xuganaayey

    Dad ururiye lagu xoomi jiray meesha xaruntiisa

    Ku xasuuso xayraan wax biday xeedho lagu deeqo.

    Waloow ay xaq geeridu tahoo xaasha anan diidin

    Nin ku xiga, walaal laab xalnaa, xaaduq lagu dhaato

    Geerida xabaashaa wadnaha way ku xagataaye

    Qalbiyohow xaqii baa yimee qaado xukun Eebe.

     

    Thank you!