Maanso cusub: DANQAABO – Waxa curisay Yaasmiin Maxamed Kaahin.

    0

    Yaasmiin+MHaddaan dado wixii jira
    Ka daboolo dhaayaha
    Dhegta maqal u diidoon
    Nafta doodda kaba xidho
    Damiirkaan I yeelayn.
    Waxaan uga dan leeyay
    Daarrantiyo ujeeddada
    Dadka aan la nooliyo
    Dalkan aan dhex joogee
    Cudurrada dilaagii
    Maankooda degayee
    Ka dibbiray xumaatada!

    Miyaan diirku mid ahayn?
    Miyaan diin qudhaa jirin?
    Degelkeenu mid ahayn?
    Danta guud inoo ool
    Waa maxay dirsoocani?
    Hebel diidkan joogaa
    Dayawgiyo asqowgani?

    Gartay oday u duubtee
    Da’yartii maxaa helay?
    Qolqolo ku doorteen?
    Yaa dulleeyey iyagoo?
    Duumada qabiilkiyo
    Dacuunka reernimo
    Xididkood ku durayee
    Doocaanta uga dhigay
    Dulligiyo qadhmuunkaas?
    Tolow mee Digriigii?
    Dugsigiyo iskuulkii
    Duruustii la siiyiyo
    Digrigiyo Qur’aankii
    Macalin uu ku daalee
    Qalbigood ku daabacay?.
    Mise daahan weeyoo
    Cashar daa warkiisee
    Dadnimaanay baranoo
    Sida loo dulloobiyo
    Sida laysu dago’iyo
    Dulmigiyo nusqaantiyo
    Sida laysu dala’sadaa
    Diiwaanka ugu taal?

    Waagii dillaacaba
    Nabar bay damqanayoo
    Dhegi waxa ay diiddaa
    Maqalkay ku duxayee
    Waa maxay dakaankiyo
    Dudmadiyo afbuurkiyo
    Ereyada diciifkee
    Foodleydu diidee
    Cirrowgeenu doorbiday?
    Miyaan  iil dalooliyo
    Ciidda  laysku duugayn?
    Kafan laysku duubayn?
    Miyaan  danab hillaaciyo
    Dhulka dakharo gaadhayn?
    Deeqlaa awood lehe
    Waa maxay dinaahyuhu?

    Dadow  yaabay aniguye
    Maxaa daadshay samihii?
    Buuxshay doobbi xumahaa?
    Dawgan jeexay shalawgaa?
    Yaa daleeyay madhantaa?
    Yaa dooxay mililkaan
    Dawo dhayda loo hayn?

    Waxaan dani ku yeelsiin
    Dugsashadu war maahee
    U doonyaysta xaajada
    Ka doondoon xalkeedana
    Meel aan durugsanaynoo,

    Is-dugsada dadkaygoow
    Isku duubni waa door
    Ha diyicin walaalnimo
    Dayrka ehelku leeyahay
    Waxaan nahay ul iyo diir.

    W.C: Yaasmiin Maxamed Kaahin