Maanso Baroor diiq ah oo loo sameeyey Xoghayihii ururka saxafadda SOLJA Maxamed Rashiid Muxmed Faarax

    0

    Abwaan AbdixakiimMaanso Baroordiiq ah oo uu curiyey Abwaan:Cabdixakiim Yuusuf Cali, soona baxday 29/12/2014.

    “Maansadani waxa uu igu dhashay ka dib markii aan maanta maqlay geeridda ku timid xogyihii ururka saxaafadda Somaliland ee SOLJA, Waxaanay naftaydu igu dhalisay inaan wax ka yidhaahdo u dagaalanka xoriyatul qawlka iyo difaaca saxaafadda madax banaan oo uu hadh iyo jeer heeganka u ahaa;

    Waxaanay ku bilaabantay:

    • Inaan geeri iyo mowd
    • Maxkumiin u nahayoo
    • Mahuraanka aakhiro
    • Ruuxba  maalin tagayoo
    • Macno lahayn adduunyadu
    • Waa mid aynu idilkeen
    • Muran li ‘I ogsoonahay
    • Hayeeshee midbaa daran
    • Maqalkiyo warkeeduna
    • Magli kaaga daran yahay
    • Ruuxba waa muggiisiyo
    • Magacuu lahaayee
    • Saamayta mahadhadu
    • Tani weeye maantee
    • Nagu kadisay murugada
    • Siduu yidhi macbuudkeen
    • Samir baa muhiimoo
    • Xaqu waa madhaafaan
    • Muuminkana ku waa jiba
    • Marxuumkana ilaahbaan
    • Naxariis mug weyn iyo
    • Maqfir uga baryeynaa
    • Maamuus iyo karaamiyo
    • Meeqaam sarreeyuu
    • Kamudnaa dalkiisoo
    • Milaygay ahaataba
    • Sooyaalku waa marag
    • Aan la maydhi karinoo
    • Midhihii ubeeriyo
    • Dhaxalkiisa muuqdaa
    • Lagu Milicsan doonaa
    • Dal muraayaddiisiyo
    • Mihnad qaran ku faanaa
    • Waa miidhiyaha’ee
    • Halkay maanta joogtee
    • Caalamkuna ka marag kacay
    • Raggii soo mudh bixiyee
    • Mijaha ay ku socotiyo
    • Midigta u ahaabaa
    • Maxamed lagu xasuustaa
    • Qalin aan marooriyo
    • Marin habow aqoonoo
    • Runtu tahay maciisaa
    • Maxamed lagu xasuustaa
    • Maamul iyo hogaaniyo
    • Mayal iyo aftahannimo
    • Margashada aqoonbaa
    • Maxamed lagu xasuustaa
    • Geesi aan mildhaabinoo
    • Ka maagayn xaqiiqdoo
    • Meeshii tabaysaba
    • Qalin ugu miciinaa
    • Maxamed lagu xasuustaa
    • Muwaadin xaqiiqoo
    • Noloshiisa mudo dheer
    • Ku macsuumay qarankoo
    • Guusha mahadin jiraybaa
    • Maxamed lagu xasuustaa
    • Miisaan caddaaliyoo
    • Magac iyo qabiiliyo
    • Marna eex aqoonoo
    • Usinnaa mujtamacaa
    • Maxamed lagu xasuustaa
    • Marinkii rasuulkiyo (SCW)
    • Addoon diinta maloo
    • Martabeeya khayrkoo
    • Muujiya samaantaa
    • Maxamed lagu xasuustaa
    • Muggii uu lahaa iyo
    • Maanso kaalintiisii
    • Marna koobi maysoo
    • Hadal waa mid iyo laba
    • Hadaad socotay maantoo
    • Rashiidow min aakhiro
    • Kaa yeelay mawluhu
    • Ducaan maca salaamee
    • Magan kaaga dhigayaa
    • Marka iilka lagu dhigo
    • Mawleheen su’aashiyo
    • Macnaheeda kuu sahal
    • Marinada jannada iyo
    • Lagu mari dariiqii
    • Ahlu muuminiintoo
    • Inta meel lajoogtee
    • Maxamedow rasuulkii (SCW)
    • Madashiisa lagu simay
    • Kamid noqo insha allaah