GABAY: Gef iyo Gadood – W/T: Ibrahim Hassan Gagale

    0

    GabayGabayga soo socda waxaa lagu magacaabaa: Gef iyo Gadood, waxaanu ka koobanyahay 114 beyd. Gabayga waxaa sannadkii 1992 curiyey Ibrahim Hassan Gaagaale. Gabaygu waxa uu ka hadlayaa af-gembigii uu Siyaad Barre dalka ku qabsaday 1969 iyo ballan-furkii, qabyaaladii iyo dulmigii uu ku kacay. Waxaa kale oo gabaygu ka hadlayaa dembiyadii cuslaa ee uu Taliskii Siyaad Barre ka galay dadka intii u dhaxaysay 1982-1990 iyo Halgankii Hubaysnaa ee Ururkii SNM iyo shacabka Somaliland la galay Taliskaas laguna riday xukunkii Siyaad Barre sannadkii 1991. Gabaygu waxaa uu ugu dambaynta uga digayaa ummadda Somaliland inay mar kale dawladnimadooda si fudud ugu loogaan Somalia.

    Gabayga: Gef iyo Gadood

    Nabad weyn dhulko lagu gam`oo, loona kala goosho
    Naxariista Eebboo godlano, doogga lagu guuro
    Gasiinkoo raqiisiyo dharkaad, gadan midkaad dooni
    Oo doorashada guud jirtoo, gole la soo doorto

    Siyaad gudaya oo goob kastaba, goosan ku horgooyay
    Gar-maqaate waa tuu qabsaday, goor habeen badhahe
    Barlamaanki waatu gembiyey, oo dastuur gabaye
    Guddiyada watu nagu xukumay, goostay taladiiye

    Watu yidhi god dheeriyo qarbaan, idinka soo gaadhay
    Dadweynuhu u guuxee waxbadan, ubax guddoonsiiyay
    Shacabku godlanayee darxumo, muu gilgilaneyne
    Keli-taliye gooduu ahaa, raadka gadanaayay

    Siyaad wacadki geesbuu ka maray, oo qabiil guraye
    Aqoon iyo intii garad lahayd, gees ayuu daraye
    Suldaaniyo garaadiyo ergada, waanshey garanwaaye
    Gujee talada boqorada garnaqa, garawna siin waaye

    Gar-maqaate waa lagu yaqaan, talo gar-diidkaase
    Garboweynta duulbaa ka riday, uu tol guud bidaye
    Bixisadu ninkay goobaysaa, daawo garanwaaye
    Gacan-saydhka taladu ku dilay, gebi bal aan sheego

    Garawsaa la yidhi dawladnimo, waw gudboonahaye
    Gobollada u daa baa la yidhi, maamulka u gaara
    Beelaha gudboon baa la yidhi, garab ha siin taada
    Haw gefin awoodaa la yidhi, godobna yey keenin

    Geeljiraha ka daabaa la yidhi, jago gef loo siiyo
    Nimaan geyin ka daabaa la yidhi, darajo guudkiisa
    Gunno maal hasiin baa la yidhi, gelin nimaan xoogsan
    Guubaabo daabaa la yidhi, faanka iyo giirka

    Haw adeegsan gaasbaa la yidhi, beeshad garanweydo
    Gawraca ka daabaa la yidhi, geesi kula dooda
    Go`e nolosha dhaaf baa la yidhi, yaanay gaagixine
    Geyigaba ka daabaa la yidhi, guri colaadeedka

    Dawladnimadu hanti weeye guud, gole wadaageede
    Waa loo gudboonyahay dhibtiyo, gacanta dheefeede
    Gacal looma siiyo qabiil, way ku gubataaye
    Maamul xumo haddii laysku galo, gaawaha qubane

    Aayihii markuu madaw galee, xaalku halis gaadhay
    Taladiina midho ay gabtee, waano gamashaysay
    Garbay noqotay in markaas halgan, guuda lagu qaado
    Oo SNM gaashaandhigiyo, gaasas la alooso

    Qori caaradiis wuu gayee, gulufka uu eedo
    Guuraha habeenkii la gudo, foore iyo geydhe
    Gudguduudka waaberi la galo, cadaw gariiraaya
    Gaadmada uu geesigu ku liqo, gaasas iyo guuto

    Dulmigii ku gaammuray dadkaas, ciilki lagu gaaxshay
    Gebogebo dalkii laga geshiyo, maato lagu goobtay
    Gadoodku ka dhigay tacadigii, cadawgi uu gooyay
    Guulaha u soo xidhiidh Guulle Garabsiiye

    Geeshkii markii uu jabee, qaybo laga gooyay
    Oo Taliski gondihii u dhacay, oo rafaday gawrac
    Sanku neefle wixii Geeska yiil, soo gur nacabkiiye
    Galaayuus qaxootigi hubee, uuman kala gaara

    Guullow magaaliyo miyiba, dhiillo wada gaadhay
    Gudahaa Hargeysiyo Burciyo, Gebiley guudkeeda
    Galladweyn Berbera waa naftee, gacaladii Shiikha
    Ceerigaabo dhinacaa Gar`adag, Daalo garabkeeda

    Balli-Gubadle Dhagaxdheeriyo, guriga Oodweyne
    Arabsiyo gudaha Caynabiyo, goobta Balli-dhiiga
    Qorulugud Waraabeeye gudub, Sallaxley geesteeda
    Lug-hayada galbeedkaas jirtiyo, Saylac gudaheeda

    Geyigaas hubkii lagu galee, guuxu damiwaayey
    Ama raxan gantaalaha riddaa, guudka kaga tuurtay
    Daaraha gawaan lala simee, ee madfacu goostay
    Gummaadkii carruurtiyo ku dhacay, hooyo garab joogtay

    Gawrac wadara inta goor gudcura, xawda laga gooyay
    Godad weyn dadkii lagu guree, guudka laga duugay
    Kontankii Gasiiriyo la dhigay, Koonfur gudaheeda
    Hablihii gayaankooda sugi, guun hawada maagay

    Guunyo maal wixii layska dhacay, dahab guduudleyda
    Xoolaha garnayl lala dhiciyo, gumuca baaruudda
    Gurgurshaaga miinadu la kici, geeddi-gibilweynta
    Berkadaha gingimane garaac, hoobiyuhu goostay

    Sooyaalka ummaddo geyiga, Geeska lagu uumay
    Dhulka duulki hawadood gashaday, goostay lihidiisa
    Garaadkoodu badh ku gawrac yidhi, badhna gawaan-raaci
    Ee gobolba reer siiyayee, beenti lagu guuray

    Maatadii geyiga barakacdee, gaajo la hulleeshay
    Ee derisku guuraha gasiin, nabad geshee siiyay
    Giddigood waxmay galabsaniyo, godob la eedaaye
    Abtirsiimo baa lagu galoo, maanku garanwaaye

    Taangiyada gurguurtiyo ma dumay, gaasas daba jooga
    Madaafiicda goobtana duqayn, cadaw ma sii gaabshay
    Guutoweyn gantaalaha riddaa, siigo gamid tuurtay
    Geerida dhul waa loo huraa, galaw miyuu qayshay

    Miig wixii gorfaha laga dhigee, saamku kala gooyay
    Wixii taangi suuqyada la gubay, ama hub gaashaaman
    Gaadhiyada wixii laga gediyay, ee gurmad u roori
    Meydkoodu wuxuu geylanaa , goob kasta Waqooyi

    Nabsigay galeen baa gondaha, gaadhayo dilaye
    Qaranbaa qabiil uga gedmee, gaag ma laga reebay
    Jananadu gadaal maw gurteen, goloslahee dhuuntay
    Korneeladu gudaha maw galeen, guri sariir taalla

    Duul haduu kibroo oo geyiga, ganafka uu taago
    Diintiyo hadday gees-maraan, Guulle sidu sheegay
    Dagaalba dulmiga lagu gubaa, diriri waa guule
    Ka hulleeshay giddi dooxatadii, oo habeen guda`e

    Afrikada gumaad baa ka dhacay, maato garab beeshay
    Gobonimo shucuubtii dhashee, Yurub ka guuraysay
    Giddigood hungay kala kulmeen, guuldarriyo ciile
    Goblamooyin diirkood lehbaa, loogu daw galaye

    Qalalaaso Qaaradaa gashee, ciirtay gebigeedba
    Dagaallada sokeeyuhu gubeen, qoysku kala guuray
    Ee qaxootiyadu goohayaan, diiftu wada gaadhay
    Somaliduba eed kala geshiyo, gawrac wadareede

    Lixdankii go`aan lagu degdegay, dawladnimo guurtay
    Geedigu hayaan koonfur degay, garabsi uu doonay
    Soddon guuradii kala tagtoo, kala go`doo maagtay
    Kala guradka iyagaa kasboo, gabay wanaagiiye

    Duudsigii Waqooyiga gilgilay, guushi laga boobay
    Dawladnimadi subax laga gayaxay, geeski lagu riixay
    Gummaadkii xigee ee arlada, dhiiggu galacleeyay
    Bendaradi garbaha uu u dhigay, geeshki lagu hoogay

    Dharaar bay midnimo gawraceen, gocosho reebeene
    Gobonimo ha loogina markale, laab-la-kaca guursha

    (Dhammaad)

    Waxaa Tiriyay Gabayga: Ibrahim Hassan Gagale