WAA SIXIR SIYAASIGU (Maanso) – W/T: Cabdirisaaq Maxamed (Abwaan Oday)

    0

    ODAYMaansadani waxay soo baxday Gu’gii 09-Jan-2012 oo uu tiriyey Hal-abuurka da’da yar ee Cabdirisaaq Maxamed Cabdilaahi (Abwaan Oday) waxay maansadani hogatusalaynaysaa, Bulshada waxaanay Daaha ka faydaysaa in siyaasigu yahay qof danayste ah oo jecel inuu ku guuro Bulshada inta maangaabka ah ee aan lahayn Aqoon iyo han durugsan toona, sidoo kale waxay ka hadlaysaa isku duubnida iyo wax wada qabsiga Bulshadeena iyo inay ka feejignaadan cid kasta oo dibin daabyo kula kacada amaba ula timaada Qarankeena.

    1. Sool iyo sanaagiyo
    2. Saaxil iyo nugaal iyo
    3. Surad buuraheediyo
    4. Sodii booramaadeey
    5. Dib u socod ma fiicnee
    6. Sareediyo barwaaqiyo
    7. Samo iyo wanaag iyo
    8. Xidigaha siraatiyo
    9. Cirka sare aad gaadhide
    10. Yuu siyaasi waalane
    11. Hadaba salaw colaadeed
    12. Kuu sudhin horaadkee
    13. Haku seexan waligaa
    14. Meelaan la saxar tirin
    15. Saligaagu yuu noqon
    16. Sayme dhiigle iyo hoog
    17. Umadood sadqaysiyo
    18. Salaw iyo dagaaliyo
    19. Saqda dhexe caruurtood
    20. Saska aad ku beertiyo
    21. Salbabakha khiyaamada
    22. Safsaf lugaha haw goyn
    23. Yeey noqon sursuuriyo
    24. Meel aad ku silicdoo
    25. Sodan saniyo dheeraad
    26. Iyo sabanka aakhiro
    27. Qoomamayso saaxiib
    28. Seetee hungurigoo
    29. Sabarkiyo dhexdaadana
    30. Xaaraan aad ku siibtiyo
    31. Yeey marin sunuud xumi
    32. Runta lama sariigee
    33. Yaan Been la soo xaday
    34. Si yar ruuxana kuu galin
    35. Bal ogow saleeliga
    36. Sabi iyo caruuriyo
    37. Mid saqiira mooyee
    38. Ruuxii sameeyaa
    39. Sahal inuu ka jabi karo
    40. Bal ogow sawaxanada
    41. Sumbo iyo maraadiyo
    42. Suko iyo qof liitiyo
    43. Mid siloona mooyee
    44. Ruuxii ku soogmaa
    45. Inuu saawir yahayoo
    46. Caqli uba siyaadayn
    47. Waxan saawasaawee
    48. Waa qaali sabankuye
    49. Seken yaanu kaa lumin
    50. Nin siyaasad liigtoo
    51. Subag iyo gadhoodhiyo
    52. Sita hilib la solayoo
    53. Ubadkiisa soo dhigay
    54. Yurub seeraheediyo
    55. Suuqyada ameerkika
    56. Yuu saw habkaagiyo
    57. Soortaad cunaysiyo
    58. Saadkiyo gaadhkiyo
    59. Sixinkaaga kaa qubin
    60. Safarad iyo xanuun iyo
    61. Kugu beerin sooyaan
    62. Suudigu kulayal iyo
    63. Waa olol ku saaqee
    64. Ha u qaadan sagal roob
    65. Dadaka saanad milatari
    66. Inaad siiso maahee
    67. Maxaa siidh la beertiyo
    68. Sadarada tacliintiyo
    69. Inta lagu sanaadiyo wax
    70. Soo saar u diideen
    71. Maxaa wiil sindheeriyo
    72. Hablo wada siyaakhoo
    73. Saydhinyaa laafyaha
    74. Sulug wada xajiiniyo
    75. Saymaha dagaalkiyo
    76. Saran seer uglisaan
    77. Guryo samo adoo yaal
    78. Seerma wayda curatiyo
    79. Meelsaacle joogoo
    80. Sumalkiyo baraarkiyo
    81. Sangihii u foofoofeen
    82. Saranseer abaareed
    83. Iyo sulufka caydheed
    84. Marana looma saaree
    85. Sabadaad ku nooshay
    86. Dadku soobir caydhiyo
    87. Sabool qaawan yuu noqon
    88. Arinkii ku seegiyo
    89. Adiguna sirtaa bogo
    90. Hawna noqon siyaasiga
    91. Wax salaanka lagu koro
    92. Xadhiga aad suryaysoo
    93. Surka adiga kuu gala
    94. Haysku soohin waligaa
    95. Aar sooma jeeste’ ah
    96. Saraha dhexdoodiyo
    97. Sinta iyo halbawlaha
    98. Haku dhaagin siloonyahow
    99. Colaad gayiga saaqdiyo
    100. Uur xumo siyaadiyo
    101. Utun sii lignaatiyo
    102. Saxriir la eediyo
    103. Inta lag sulaaqmiyo
    104. Qabiil lagu sureeriyo
    105. Sagam-daaq xajiimo le
    106. Haw suul dhabaalayn
    107. Fidmo seexatoo nagi
    108. Gaas iyo saliid iyo
    109. Haku darin saabaal
    110. Eray sami wuxuu jaro
    111. Soof iyo bilaawiyo
    112. Soodh laguma gooyee
    113. Umad sabo ku wad nool
    114. Oo seedi iyo xidid iyo
    115. Soof wadaago ah
    116. Suladkiyo ardaayada
    117. Olol iyo dab haw sudhin
    118. Nabadaa samaaniyo
    119. Surer iyo wanaaglee
    120. Hadaan seeska loo dhigin
    121. Salaad faral la oogiyo
    122. Tacliin lagu sumsumaiyo
    123. Suuq miayaa la aadaa
    124. Sarif iyo dhaqqliyo
    125. Saro maala jeexaa
    126. Sariir aad ku gamadiyo
    127. Moobilada siraatiyo
    128. Silis maala qaataa
    129. Dhakhaatiirta sare iyo
    130. Saynis yahan ma kulantaan
    131. Hadal wada laxaniyo
    132. Weedh wada arbeebiyo
    133. Eraygaygu haku solo
    134. Anaguna safaadiyo
    135. Manaqaano salawgee
    136. Sitiinkii hortiibaa
    137. Soohdimaha dalkaygani
    138. Saancadaale gaaliyo
    139. Soomaaliyoo idil
    140. Saaxiib yaqaanee
    141. Soomaalilantuna
    142. Sidaad adigu moodiyo
    143. Wax sokeeya maahoo
    144. Garaadada wax saafiyo
    145. Boqoriyo salaadiin
    146. Cuqaal sama jeceliyo
    147. Culimiyo saraakiil
    148. Sabi iyo dad waawayn
    149. Ayaa wada saxeexoo
    150. Soomalilaand yidhi
    151. Saac iyo ugbaadiyo
    152. Meel sadadu taalaa
    153. Salka loogu joojoo
    154. Sagaashan iyo kawdii
    155. Beeluhu sinaaniyo
    156. Saami qaybsi wacanabay
    157. Sal fudayd ma fiicnee
    158. Sadex magac ku dhaarteen
    159. Sanad kalana waatii
    160. Si wayn loo codeeyoo
    161. Sagaashan iyo todobaa
    162. Sawdkooda siiyoo
    163. Soomaaliland mid weeyoo
    164. Inay kala socdaashan
    165. Wax sayn saaban weeeyoo
    166. Sacab timaha yeeshiyo
    167. Saabuun xoorin waydiyo
    168. Dameer sina madaw iyo
    169. Wax suurooba maahee
    170. Horta taa iskaga samir
    171. Wax hadaad saluugtana
    172. Ceeb iyo sawaxan iyo
    173. Soomal haad colaadeed
    174. Beesha looma saaree
    175. Aynu saafno eelkee
    176. Sali nabada oo wacan
    177. Salaka kaalay oo dhiga
    178. Hadii saar dagaaliyo
    179. Suuldaaro nacab iyo
    180. Kugu jiro sangaaluhu
    181. Dhaaxaan ku saaanyee
    182. Waan kaa saari doonaa
    183. Jiib sululux leeyiyo
    184. Kaaraha silsiladale
    185. Suug iyo baron iyo
    186. Yaan sabanku kula tagin