Isku Aadka Champions League iyo Sida ay Isugu beegmeen 32-kooxood ee Horyaallada Yurub

    0

    Monaco (SLpost)- Waxa mar-dhawayd lagu dhawaaqay Isku-aadka Groups-ka ee tartanka Kooxaha Horyaallada Qaaradda Yurub (Champions League) oo xafladda lagaga dhawaaqay hadda ka socoto magaalada Monaco ee dalka Faransiiska.

    32-ka Kooxood ee tartanka Champions League Xilli-ciyaareedka 2014/2015 waxa ku cusub kooxo yar-yar oo aan hore uga qayb-qaadan tartanka iyo qaar mar kale ku soo laabtay sida Liverpool.

    champions leagueWax badan kama duwan qaabka isku-aadkii sannadki hore, iyada siddeedda Group ee 32 kooxood loo qaybiyey ay hoggaaminayaan kooxihii sannadkii hore, waxaana xusid mudan in Siddeedda Group intooda badani ay u dejisan yihiin qaabkii sannadkii 2013-kii isla markaana ay mar kale isku beegmeen ama ay Isku-group kuwada jiraan, sida kooxaha Machester City iyo Bayer Munich, Borussia Dormund iyo Arsenal, Barcelona iyo PSG.

     

    Halkan ka akhriso 8-dda Group iyo sida ay Kooxuhu Isugu beegmeen.

     

    GROUP A:  

    Atletico Madrid (Spain

    Juventus (Italy)

    Olympiakos (Greece)

    Malmo (Sweden)

    GROUP B:        

    Real Madrid (Spain)

    FC Basel (Switzerland)

    Liverpool (England)

    Ludogorets (Bulgaria)

    GROUP C:         

    Benfica (Portugal)

    Zenit (Russia)

    Bayer Leverkusen (Germany)

    Monaco (France)

    GROUP D:      

    Arsenal (England)

    Borussia Dortmund (Germany)

    Galatasaray (Turkey)

    Anderlecht (Belgium)

    GROUP E:        

    Bayern Munich (Germany)

    Manchester City (England)

    CSKA Moscow (Russia)

    Roma (Italy)

    GROUP F:         

    Barcelona (Spain)

    PSG (France)

    Ajax (Netherland)

    APOEL (Cyprus)

    GROUP G:          

    Chelsea (England)

    Schalke (Germany)

    Sporting Lisbon (Portugal)

    Maribor (Slovenia)

    GROUP H:     

    Porto (Portugal)

    Shakhtar (Ukraine)

    Athletic Bilbao (Spain)

    BATE (Belarus)

    Dhinaca kale, Group-ka ugu Adag ee loo aqoonsaday inuu yahay GROUP OF DEATH , ayaa ah Group-ka E  oo ay ku wada-jiraan Kooxaha Bayern Munich, Manchester City, CSKA Moscow iyo Roma.