Waxaa Isoo Jiitay Magacyadoodda Iyo Murtiddooda!! – Cabdiqaadir Askar

    0

    askarQormadan waxaan ku soo qaadanayaa oo aad ii cajabiyay

    Magacyadda hal-abuuradda danbe Iyo heesaha ay hal abuuraan.

    Aniga oo la dhacsan magacyadda naaneeysta ah ee ay leeyihiin ayaa waxa aad ii tacajab galiyay heesaha qudhidoodda magacyadda ay ku diiwaan gashan yihiin.

    Anigu qudhideydu ma ihi qof wax ka yaqaan maansadda somaliga iyo inta looqeybiyo amaba godadkeedda uu qof maanso yahan ihi ukala sooro,

    Hadii aan dib ugu soo noqono magacyadda hal-buurka da,da yar iyo heesaha ay hal-buuraan.

    waxaa iyana halkaa ka madhneyn magacyadda loogu yeedho fanaaniinta casriga ah iyo muusiishinka garaaca qalabka aad udanana ee biyaanada ama organka.

    Marka hore qalinka umaan qaadan in aan cid dacaayadeeyo ama ku durro

    hal-abuurka ukacay umadda ku hadasha afka soomaaliga iyo fanaanniinta casriga ee waxa aad iisoo jiitay magacyadda casriga iyo murtidda casrigan danbe.

    Aan ku horeeyo magacyadda abwaanadda danbe

    Abwaan-KiiKo

    Abwaan-QiiQ

    Abwaan-OOg

    Abwaan-Laabsalaax

    Abwaan-Lagjar

    Abwaan-ilka Jiir

    Abwaan-jaylaani

    Abwaan-Allaayahdiig

    Abwaan-kulane

    Abwaan-weedh-same

    Abwaan –Burmad

    Abwaan-Orshe

    Abwaan-Dhagacade

    Abwaan-shiine aqyaar

    Abwaan-Ciyaarjecel

    Abwaan- Cali Seenyo

    Abwaan-Dhuux Baraar

    Abwaan- Cashuur

    Abwaan-Sandheere

    Abwaan boodhari

    Hadaba abwaanadda casriga ah inta aan ka xasuustay marka aan halkaa kagagtago bal aanu soo qaadano suugaanta ay hal abuuraan magacyadda ay heestu ku diiwaan gashantahay ama looyaqaano

    Heesaha—

    1-    Aahheeya

    2-    Ha igu odhan laa,laa,laa

    3-    Ku baafshay baafshay

    4-    Ha iraadsan

    5-    Isaar laabta

    6-    Wadnahaa idhaglee dhag-dhag-dhag

    7-    Xubnahayga adigaa xadantada baray

    8-    Intaan wada siraataan siinyaale bixiyaa

    9-    Sidaad doonto ugu gal galo