Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo Caawa ku dhawaaqay Guddiga Fulinta ee Xisbigaas (Akhriso liiska)

    0

    Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa caawa magacaabay Xubnaha Guddiga fulinta ee xisbigaas oo ka kooban 36 xubnood, sida lagu shaaciyey war-saxaafadeed mar dhowayd ka soo baxay xarunta xisbiga Kulmiye oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

    news1War-saxaafadeedkaas, ayaa u qornaa sidan: “ Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE isagoo raacaya Qodobka 24aad iyo Qodobka 32aad ee Dastuurka xisbiga, wuxuu magacaabay Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE oo kala ah:-

    1. Dr. Xuseen Maxamed Xoog

    2.Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar

    3.Eng. Cabdiqaadir Iiman

    4.Dr. Maxamed Axmed Cabdi (Carabayto)

    5.Bulbul Cabdi Madoobe

    6.Axmed Cabdi Xuseen

    7.Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi)

    8.Carab Nuur Xandule

    9.Fu’aad Aadan Cadde

    10. Garayaqaan Maxamed Jaamac

    11.Maxamuud Ismaaciil Xasan (Badde)

    12.Jaamac maaxamuud Cigaal

    13.Shariif Abokor Dhuux-yare

    14.Cabdinajax Siyaad Cabdi

    15.Maxamed Cabdi Iskeerse

    16.Canab Cumar Ileeye

    17.Maxamed Faarax Xirsi

    18.Maxamed Cadbillaahi Cabsiiye

    19.Baashe Yuusuf Axmed

    20.Xildh. Maxamuud Jaamac Warfaa

    21.Dr. Axmed Cumar Maax

    22.Ilhaan Maxamed Jaamac

    23.Ibraahin Aadan Qaalib

    24.Axmed Xuseen Oomane

    25.Cumar Sh. Maxamuud (Cumar-yare)

    26.Mahdi Xuseen Caddare

    27.Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi

    28.Prof. Cabdi Cali Jaamac

    29.Sahal Cali Cartan

    30.Maxamed Muuse Ibraahin (Buuni)

    31.Cali Siciid Raygal

    32.Xildh. Cali Maxamed (Cali Barre)

    33.Axmed Aw Cabdi Shaacir

    34.Dalays Shire Faarax

    35.Aniisa Nuur Cigaal

    36.Sahra Maxamed Xuseen(Basbaaso).”

    Go’aanka Guddoomiyaha Kulmiye ku shaaciyey Liiska Guddiga Fulinta ee Xisbiga, ayaa ka dambeeyey go’aamo todobaadkan gudihiisa ay shir-guddoonka Shirweynihii Kulmiye ku shaaciyeen Laba liis oo ka kooban Guddiga Fulinta iyo Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo hoggaanka xisbiguna ku tilmaameen sharci-darro aan waafaqsanayn xeerka xisbiga iyo go’aamadii ka soo baxay Shirweynaha xisbiga, halka xubnaha Shirguddoonkuna ay ku doodeen inay dariiq sharci ah u mareen shaacinta liisaskaas.

     

    SOMALILANDPOST.NET