Cuqaal iyo Wax-garad Si Adag u Cambaareeyay Xadhigga Guddoomiyaha & Tifaftiraha Wargeyska Haatuf (SAWIRRO)

    0

    Hargeysa (SLpost)- Cuqaasha iyo Wax Garad Beesha Woqooyiga Hargeysa ayaa cambaarayay xadhiga mukiilaha iyo Tafaftiraha Wargeyska Haatuf iyo Xayiraadda Xukuumaddu saartay Wargeysyada Haatuf Media Network..

    DSCN6950Masuuliyiinta Wargeyska, ayaa dorraad maxkamada gobolka Hargeysa todoba cisho rumaan ugu dirtay xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

    Warsaxaafadeed beeshu soosaartay oo dhamaystiran waxa u dhignaa sidatan;-
    “Anagoo ah waxgaradka, odayaasha,culumada,qurba-joogta lab iyo dhadig-ba ee bahweynta reer Gadiid.  Anagoo ixtiraamayna daris wanaaga beelaha kale:
    Markaanu darisnay xeerka saxaafadda ee ay ansixiyeen golayaasha xeer dejinta oo si cad u tilmaamaya hab dhaqanka loo marayo anshax ka xayuubinta saxafiga, iyadoo si cad looga badheedhay oo cadaawad ah in loogu tunto sharafta iyo milgaha saxafiga, iyadoo ay ahayd in la
    ilaaliyo xeerka saxaafadda.
    Markaanu darisanay xeerka ciqaabeedka Soomaaliyeed ee loo adeegsaday
    oo ah qodobaddan:
    1-287 XCG oo leh-Eedayn been ah
    2-215 XCG oo leh-Dacaayad ka soo horjeeda oo lidi ku ah wadanka
    3-328 XCG oo leh-Daabacadda ama fidinta warar been ah oo khal-khal galinaya deganaashaha dadweynaha
    4-269 (2) XCG oo leh – Aflagaado loo geysto laan siyaasi ah ama maamul ah ama garsoor ah
    5- 269 Qodobka 2-aad oo leh – Ciqaab la mida ayaa loo cuskan doonaa cida adeegsta isgaadhsiin toos ah ama qoraal ama sawiro la gaadhsiiyo kooxda ama wakiiladood.
    Haddaba xeerkan maaha kii loo adeegsan lahaa xeerka saxaafadda waana cadaalad-darro qaawan taasi.
    Markaanu ogaanay sida afduubka ah ee loogu diiday difaacii uu xaqa u lahaa muwaadinku iyadoo loo diiday inay difaacaan looyaradiisii u hadlayayna sid ay noo cadeeyeen.
    Markaanu ogaanay in lagu xidhay qolkii shabaga ee loogu talo galay argagixisadda isagoon gayin oo ah nin xaq u lahaa inuu si xora isku difaaco taana uu waayay xoriyatal qowlkii xaqa uu u lahaa.
    Markaanu eegnay xaaladiisa caafimaad oon wanaagsanayn muwaadinkan lagu xadgudbay hantidiis, xoriyadiisa iyo caafimaadiisaba.
    Markaanu ku baraarugnay xaqdaraddan taagan ee si qoto dheerna u lafa gurney, waxaanu cambaaraynaynaa xidhiga sharci-daradda iyo xiniinyo taabadka ah ee lagu waxyeelanay.
    1.Jiritaanka xeerarka dhaqan galka ah ee ka soo baxay golayaasha xeer dajinta sida xeerka saxaafadda ee l laalay
    2- Waxaanu cambaaraynaynaa oo kale oonu ka soo horjeedna xadhigan afduubka ah ee lagula kacay muwaadinka Mujaahid Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cige
    3- Haddii la ilaalin waayo xeerarka iyo milgaha muwadiniinta wixii ka yimaada waxa masuul ka ah cidaa badheedhaysa ee awoodeeda sharciga ku baabinaysa
    4- Waxaanu cod dheer ku leenahay ugu dambayn in xoriyadiisa loo soo celiyo Guddoomiyaha iyo Tafaftiraha xaq-daradda ku xidhan, waana in magdhow iyo raali-galin laga bixiya arrintan foosha xun”.
    Magacyada warsaxaafadeedkan ku waxay kala ahaayeen sidantan;-
    1-Mahdi Aadan Xaashi
    2-Yuusuf Xuseen Xasan
    3-Maxamed Nuur Cabdillaahi
    4-Ibraahim X.Axmed Ildab
    5-C/laahi Cali Yuusuf (xamaraawi)
    6-Mujaahid Maxamed Cabdillaahi Ismaaciil
    7-Yuusuf Cali Ducaale
    8-Axmed Maxamed Rooble
    9-Iid Shabeel Cali
    10-Axmed Khaliif Cabdi
    11-Axmed Jaamac Faarax
    12-Maxamed Axmed Muuse
    13- Cabdillaahi Ismaaciil Xasan
    14-Oday Yuusuf Caydiid
    15-Axmed Cali
    16-Shuun Xasan Maxamed
    17-Aamina Carab Maxamed
    18-Khadra Askar
    19-Sahra Maxamed Cali
    20-Muna Cabdi Cakala
    21-Kowsar Cabdillaahi Yaasiin
    22-Foosiya Cabdillaahi Xirsi
    23-Sahra Jaamac Tukaale
    24-Samsam Quule
    25-Ifrax Cabdi Ruush
    26-Sahra X.Jaamac
    27-Basma Ibrahim Weerar
    28-Khadra Maxamed Mooge
    29Fahima Maxamed Mooge
    30-Sacdiya Maxamed Mooge
    31-Hibo Cali Muxumed
    32-Safiya Aadan Xaashi
    33-Ruun Faarax Maxamed
    34-Hoodo Cabdillaahi Xasan
    35-Xalimo Cismaan Maxamed
    36-Hina Masalle
    37-C/risaaq Caqli
    38-Axmed Jirde Yuusuf
    39-Ismaaciil Yuusuf
    40-Mustafe Aadan Cismaan
    41-Maxamed Cabdillaahi Diiriye
    42-Xuseen Maxamed Rodol
    43-Rashiid Cabdi Cali
    44-Khaliil Ibraahim Xawaadle
    45-Cabdillaahi Gahayr Jaamac
    46-Axmed Aadan Cabdi
    47- Maxamed Maxamuud Jaamac
    48-Cali Muxumed Xirsi
    49-Siciid Cumar Xasan
    50-Cabdi Cali Mahdi
    51- Axmed Ismaaciil Xuseen
    52-Xuseen Xasan Aadan
    53-Siciid Cali Salaan
    54-Dr Yaasiin Cabdi Cismaan
    55-Dr Fahad Cumar Carte
    56-Dr Najiib Axmed Shunuuf
    57-Jiir Cali Madoobe
    58-C/kariim Cabdillaahi Xaashi
    59-Maxamed Aw-cali