Waa maxay sababta labada Shabakadood ee Qaran News & Ramaas News oo keliya xogta loogu soo gudbiyey laakiin saxaafada kale ee Somaliland looga reebay?!

    0

    KU:Tafatirayaasha Guud ee Shabakadaha Qaran News & Ramaas News

    KU:Saxaafada Somaliand ee Madaxa bannaan

    KU:Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka

    KU:Madaxa Danbi Baadhista (CID) Qaranka

    UJEEDO: Emailada masuuliyiinta Qaranka ee la jabsaday

    Sida ay daabaceen labada Shabakadood ee magacoodu yahay Qaran News iyo Ramaas News,
    Waxaa fal danbiyeed loo geystay masuuliyiin ka mid ah Xukuumadda Somaliland, ka dib markii la jabsaday, lana xaday, xogtii iyo sirtii Qaranka .
    Fal danbiyeedkan oo ah mid aad u culus,lana saadaalin karin cidda iyo kooxda ay xogta Qaranku gacanta u gashay iyo baaxadda ay leeg tahay toona, waxaan ka codsanaynayaa Hay’adaha ay khuseyso inay daba gal & baadhis sameeyaan,si looga taxadirro khasaaraha ay keeni karto arrintani.
    Waxaan si xushmad iyo qadarin leh, uga codsanaynaa Tafatirayaasha Guud ee shabkadaha magacyadoodu hoos ku qoran yihiin:
    1-Qaran News
    2-Ramaas News
    Inay shacabka iyo Qaranka Somaliland ka jaahil bixiyaan, war cadna ka bixiyaan sida wax u dhaceen,kana jawaabaan su’aalahan hoos ku qoran:

    1-Saacadee,emailkee,taarikhdee,ayaad hesheen xogta iyo sirta ah in la jabsday
    emailada masuuliyiinta Qaranka Somaliland ?

    2-Markaad hesheen xogtaasi iyo sirtaasi, ma la xidhiidheen oo ma war galiseen Hay’adda Danbi Baadhista Qaranka Somaliland (CID)

    3-Waa maxay sababta Qaran & Ramaas oo keliya xogta loogu soo gudbiyey laakiin saxaafada kale ee Somaliland looga reebay ?

    4-Aqoon ma u leedihiin cidda fal danbiyeedkan ku kacday ee idinka oo keliya la soo xidhiidhay ?

    5-Ma jiraan masuuliyiin kale oo Emailadooda la jabsday,sida ta Madaxweynaha
    Somaliland,oo xogtoodii iyo sirtii Qaranka la idiin soo gudbiyey?

    6-Ma jirtaa shaqsiyaad,kooxo iyo cid aad u gudbiseen xogta iyo sirta idinkoo keliya la idiin soo gudbiyey ?

    7-Haddii aydaan fal danibyeedkan Culus idinku masuul ka ahayn,wax raad ahna aydaan ku lahayn,diyaar ma u tihiin inay idinlla soo xidhiidhaan Ha’yadaha Caalamiga ah ee u qaabilsan la dagaalanka fal danbiyeedyada noocan ah, ee ka jira Dalalka aad degan tihiin,si loo helo ciddii ka danbaysay?

    Shacabka Somaliland iyo Xukuumaduba jawaab bay idinka sugayaan sida ugu dhaqsaha badan

    Ilaahayaw Somaliland xaqeeda sii,dhibaatada lala rabana baal mari

    Wabillaahi Tawfiiq

    Hooyo Amina Adan