HIDDE-RAAC: Baroor-diiqda Imaam: Xaaji Maxamed Jaamac Dhabarweyne (1)‏

    0
    Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr
    Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr

    Muu ahayn nin afka ka sheegta saaxiibtinnimada aabbahay oo igu beer-laxawsada “adoogaa nin fiican buu ahaa”. Nin gartay wax ay garan waayeen dhammaan inta aanu is-xignaa ayuu ahaa! Nin qawlkiisa iyo ficilkiisu mid yihiin ayuu ahaa. Nin ii hagar-baxay oo iigu deeqay aragti ay inta maanta nooli igala masuugeen ayuu ahaan. Nin ogsoon in aan ahay xilqaad ay cummaamadday geeridii aabbihii ama ugu yaraan uu walaalkay Cismaan weli 13 jir yahay oo aan aan masuul ka ahay agoon ayuu ahaa. Nin agoonnimada guri-dambayskayaga garanaya, taasna igu dhawra oo aan wax uu iigu kabo  adduun iyo arrin mooyaane aan waxba iga dooninin buu ahaa. Nin dhiiba hantida oo aan “Ii-dhiib” odhan ayuu ahaa.

     

    Hadda ayay maktabadi iga gubatay! Hadda ayuu damal iga engegay! Hadda ayaan agoon ahay! Marka aan ixtiraamka waalidkay u hadlayo, waxa ii sinnaan doona geeriyihi dhacay.

    1995kii

    Febeweri/2002dii!

    20kii Oktoober, 2003,

    28kii Nofember, 2007da

    22kii Nofember, 2008da iyo tan nabarkeedu shalay igu dhacay!

     

    Xaaji Maxamed Jaamac Dhabarweyne ka tama tegin wax ubad ah! Inta aan ogahayna ma uu guursan noloshiisa sababta waan sheegi doonaa! Laakiin waxa uu ka tegay dadnimo, daaddihin, dulqaad, daw-bixin, damiir nool, dedaal, diin suubban, diirnax iyo damqasho.  Alle samir iyo iimaan ha inaga siiyo dhammaanteen. Beryihii u dambeeyay waxa haleelay xanuunka faaligga qallal oo naafeeyay qaybo ka mid ah awoodihiisa jidheed!

    Adeer igama aad dhiman, waad ii nooshahay! Ifka aniga ayaad adeer rumaad ii ahayd, eeggana Nebi Maxamed, Khulafadii afarta ahaa, asxaabtii nebiga, saaxiibkaa rumaad iyo malaayiin ku xijaabtay Islaamnimo iyo sharaf ayaad la joogtaa. Caalamkii nolosha ayaad ka geeddiday oo caalamkii luxudka ayaad u diga-rogatay! Guulle ayaad horjoogtaa, Alle kuma hoojiyo, Raxmaan kuu naxariisay, Rasaaq kuma qadiyo, Qafaar kuu denbidhaaf, Rauuf ka hel tudhaal, Saatirku idin astur. Sagaal iyo sagaashanka magac ee Alle ayaan sacabbada kor ugu taagayaa! Keligii ayaan idiin baryayaa! Alle kuu guuri-xuural cayn raalliya ah, ka cab darkii Fardawsa, la jaar kii ugu sharafta badnaa dadka ifka soo mara!

    Cid kasta oo waalid ahi waxa ay leedahay karaamadeeda, haddii ay yihiin macallimiin, culimo, siyaasi, oday, aqoonyahan IWM.. Qormooyinkan oo gole-ka-fuul waxa aan ku soo qaadanayaa maanso magaceedu yahay Hal-xus! Sidii Geeridii dhacday 01dii Oktoober, 2012ka ayuu garab igu bannaan yahay!

    Maansadan magaceedu yahay Hal-xus waxa ay baroor-diiq iyo duco u tahay Hal-abuurkii, Halgamaagii, Barihii Sare, Mufakarkii iyo Cilmi-baadhihii Weynaa Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) ee ka baxay guud ahaan Ummadda Afka Soomaaliga ku hadasha, gaar ahaanna bulshada reer Somaliland isaga oo ahaa halyeey loo aqoonsanaa Abwaanka Qaranka Somaliland, sidoo kalena ahaa Aabbaha/Daah-furaha Miisaanka Maansada Soomaaliyeed. Laabtaydana ku leh xusuus maguuraan ah, anigoo ka mid ah dadka nasiibka u helay inuu macallin u noqdo Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)

    Waa maanso ku hal-qabsanaysa abwaanno iyo qoraayo caan ah sida Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), Xasan Xaaji Cabdillaahi (Ganay), Jamaal Cali Xuseen, Axmed Aw Geeddi Maxamuud (Dheeraad), Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) iyo Maxamed Saleebaan Cumar.

     

    Waana kuwan meerisyadii maansada Hal-xus:

     

    Jamaaloow huq gaariyo

    Anigoon lur iyo hawl

    Hagardaamo igu dhicin

    Hurdadoo an diidiyo

    Ilmadayga “hiliq” tidhi

    Waxa beeray hibashada

    War uu haatuf keenoo

    Noorweey halkeer uu

    Hudhud soo xambaaroo

    Hargeysiyo dhulkii yimi

     

    Ifku waa hayaanoo

    Wadka lama huraayee

    Maantana Hadraawoow

    Hal-abuur mug weyn iyo

    Waxa baxay horseedkii

    Hawraarta maansada

    Kala-haadinteediyo

    Hal-beeggeeda miisaan

    Habigiisu daah-furay

    Halyey Maxamed Xaashaa

    Xaqi uu haleelee

     

    Had la baajin maayee

    Weynuhu hoggiisiyo

    Kuma hoojo iilkee

    Hoodada Niciimiyo

    Hooskii Farduusiyo

    Hoobaan jannada taal

    Hohobtii ha siiyoo

    Ha ka dhawro hadimiyo

    Hurgumada cadaabkana

     

    Weedhsame hubaashii

    Intuu hooystay guul baan

    Hiyigiyo garaadkiyo

    Ka tirmaynin hanaqoo

    Suugaanta hodankaa

    Inta uu Ha iyo Waw

    Gabayada hal-hayskaa

    Hagarlaawe tiriyaa

    Taariikhda aan hadhin

    Ka hillaacaysoon abid

    Haadaan ka dhici karin!

     

    Geeddoow hanaayiyo

    Halasii darraadee

    Hubka laysku weeraray

    Hal-abuur nabdayniyo

    Ergaduu ka hidiyiyo

    Dabataxan higaaddii

    Heshiisiisay uunkaa

    Weligeed hiraysoo

     

    Hoggaankoo qalloocdaa

    Hirdi baaba’ dhaliyee

    Ganayoow hillaaddii

    Keli-telisku ku habsaday

    Maamulkii habboonaa

    Gaarriye hormood noqoy

    Hangash iyo bahdeedii

    Hootada ku tuuroo

    Libta aynu haynniyo

    Gobanimo horseedoo

    Halgankii wuxuu galay

    Door lama hilmaamaan

     

    Hanad Maxamed Cumaroow

    Bare hawl-karnimo iyo

    Hal-samaan ku caanoo

    Habka dhigista Eebbuhu

    Hibo uu u siiyo

    Heersare ku gaadhiyo

    Wuxu haa hal-doorkii

    Hoobaan duruuseed

    Ardaydoo dhan hagar li’i

    Habeenkiyo dharaartaba

    Si hufnaan leh barayoo

    Kuman loo han-weyn yuu

    Hal-muceed ku ababshaa

    Aqoontiisa hanatoo

    Dhaxalkiisi hoobaaq

    Kuma hoobanaayee

    Hiyigaan ku haynaa

     

    Booboow nin hanadaa

    Hal-adayg lahaadoo

    Hiifaaya beentoo

    Bir hadday ka adag tahay

    Runta aan hareer marin

    Hanka iyo wanaaggana

    Hunka laguma doorshee

    Wuxuu haa hoggaankii

    Deelleeyda huriyee

    Madaxdii habaarnayd

    “Hakadaay” ku yidhiyoo

    Hoseeggay wadeen buu

    Hadh cad ugu addimayoo

     

    Guddoonkiisu hirashiyo

    Hambalyuu mudnaayoo

    Ma ahayn nin habawoo

    Garta eexa hidiyee

    Cadliguu had iyo jeer

    U ahaa dhabtii hiil!

     

    Hiddihii Suldaan buu

    Hilinkiisa raacoo

    Haybtiyo qabiilkana

    Hadafkuu ka doortoo

    Hadhac buu ahaa geed

    Dadku wada hadhsanayoo

    Haro qaabaddeeduu

    Cilmigii harraadkiyo

    Hammuuntaba u reebee

     

    Waxba yaanay heelladu

    Hore iila soconnine

     

    Had la baajin maayee

    Weynuhu hoggiisiyo

    Kuma hoojo iilkee

    Hoodada Niciimiyo

    Hooskii Farduusiyo

    Hoobaan jannada taal

    Hohobtii ha siiyoo

    Ha ka dhawro hadimiyo

    Hurgumada cadaabkana. AAMIIN, AAMIIN, AAMIIN

     

     

    La soco haddii Alle idmo

    Siciid Maxamuud Gahayr

    Facebook: Imaam Udubsoor Kabadheere

    Akadamiga Suugaanta, Sooyaalka iyo Cilmi-baadhista

    Hargeysa